UncategorizedWararkaWaxbarashada

Wasaradda Waxbarashada DFS Oo Beenisay In La Musuqmaasuqay Imtixaanka Mideysan ee Shahaadiga ah

Iyadoo maalintii sadexdaad uu galay imtixaanka mideysan ee ay qaadeyso Dowlada Soomaaliya ee ardada sanadkaan ka baxday dugsiyada sare ee dalka ayaa waxaa dhanka kale jira warar sheegayay in la musuqmaasuqay imtixaanka islamarkaana badi maadooyinka imtixaanka lagu galayay ay ardadu heli karaan ka hor inta aysan imtixaanka u fariisan.

Wasiirka wasaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in magaalada lagu dhex hayo imtixaanka dowlada oo ay ka qeybgalayaan 23 kun oo arday, arintaasina ay tahay mid lagu sumcad dilayo dowlada Soomaaliya iyo wasaradda uu madaxda ka yahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadaal badan  galiyeen in imtixaanka sidaas dartedna aysan sahlaneyn in si fudud uu gacanta uga baxo:

 “Ma jirto Imtixaan Dowladda ah oo la musuqmaasuqay, laakiin waa suurtogal in ay jiraan dad diyaariyay su’aalo iyo jawaabo si ardayda ay dhaqaalo uga helaan, wasaradana waxay imtixaanka ilaalintiisa ku bixisay dadaal, waxa uuna gacanta ugu jiraa dad aamin ah” ayuu yiri, wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Hadalkan wasiirka waxbarashada ayaa ku soo aaday xilli labadii maalin ee aan ka soo gudubnay leysla dhex marayay in imtixaanka dowladda ee sanadkan laga iibinayo suuq madow, iyadoo hadalka wasiirku uu yahay mid arintaasi lagu beeninayo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close