WacyigelinWararkaWaxbarashada

Wax Ka Baro Taariikhda Saynisyahankii Weynaa ee Isaac Newton

Isaac Newton waxa uu ku dhashay 4, Janaayo, 1643, tuulo Sthorb ee raacsan gobolka Lincolnshire oo ah mid ka mid ah gobollada dowladda Ingiriiska, aabihii isaga oo uurka ku jiray saddex bilood ayuu geeriyooday, markii uu gaaray 3 sano ayaa xanaanadiisa waxaa la wareegtay ayaydii, waana markii ay hooyadii guursatay nin kale.

Markii uu gaaray 12 sanno ayuu dib ugu soo noqday guriga hooyadii oo markaa dhashay saddex caruura ah oo Newton walaaladiis ah.

Waxbarashadiisii hoose waxa uu ku qaatay King’s School waxaanuu si wanaagsan u bartay xilligaas cilmiga Chemistry-ga oo uu ku fiicnaa, kaas oo markii dambe u noqday maaddo uu aad u jecel yahay, si gaar ahna uu u xiiseeyo, hooyadii oo ku qanci weyday iskuul uu ku jiray ayaa ka saartay, kadibna waxay ku khasabtay inuu ka shaqeysto beeraha, laakiin wuu la qabsan waayay oo uu wuu ku fashilmay dhankii xoogsiga.

Adeerkii oo xaaladdiisa kor kala socday ayaa hooyada Newton ku qanciyay in waxbarashadiisa dib loogu celiyay, kadib markii uu  is qiimeeyay caqiligiisana uu la tashaday  Newton waxa uu ku biiray Trenti College oo ku dhexyaallay Cambridge.

Newton waxa kale oo uu aad u jeclaa Falsafadda iyo waxbarashada heerkeeda sare, manhajka caadiga ah ee jaamacaddu wax xiiso ah oo badan kumuu hayn, sidaa darteed darajo heersare ah kagama aanuu qalin jabin, laakiin dadaallo dheeri ah oo uu sameeyay ayaa jaamacadda laga siiyay 4 sano oo minxo lacageed ah si uu waxbarashadiisa u sii wato , cilmibaarisyada uu wadana uu uga miro dhaliyo.

Nasiibdarro  iyadoo waxbarashadii u socoto ayaa waxaa dillaacay daacuunkii Cambridge kaas oo sababtiisa jaamacaddii albaadaba loo laabay, gurigiisa ayuu iskaga noqday si uu cilmibaaristiisa u sii wato, sanad iyo bar oo uu wax is barayay ayaa waxa ka dhashay shaqooyin wax ka bedelay taariikhda Sayniska ee Adduunka.

Newton waxa uu u wareegay dhanka Physics-ka manhajkii maadada ee xilligaa oo ay asal u ahayd qualitative  ayaa waxa uu aasaaska u dhigay manhajka Quantitative, waxa uu sameeyay aasaaska xisaabta calculus-ka(infinitesimal change), waxa uu dejiyay sharciyada refraction-ka iyo milicsiga iftiinka waxaanuu dejiyay sharciga general attraction, waxaanuu soo saaray saddex qaanuun oo illaa hadda magaciisa loo yaqaanno.

Mar kale Cambridge ayuu dib ugu soo laabtay waxaanuu noqday macallin ka tirsan Trinty College, waxa uu dhameystiray cilmibaaristiisa dhanka iftiinka, waxa uu soo saaray Taliskob iftiinka soo celinaya, kaas oo keenay horumar fiican in laga gaaro sayniska xidigaha.

Iyadoo ay jirtay in Newton aanuu xiriir fiican la lahayn phsicisyannadii kale ayaa hadana lagu tixgelin jiray maskax furnaantiisa xooga leh oo cid kastaa ay ku taqaanney.

Waxa uu qeyb ka noqday ururka boqortooyada ee Sayniska iyo falsafadda (Royal Society of Science) isagoo markii dambe madax ka noqday.

Sanadkii 1687 waxa uu qoray buuggiisa caanka ah ee Philosophiae Naturalis Principia Mathematica, mabaadi’da xisaabta ee  falsafadda dabiiciga ah, kaas oo loo aqoonsan inuu yahay buuggii ugu saameynta badnaa dhanka Physics-ka.

Sawirka guud ee aan ka haysanno Newton waa inuu ku wanaagsanaa Physics-ka iyo xisaabta, laakiin waxaad ogaataa wakhtigiisa inta badan waxa uu ku qaatay dhanka cilmiga Kimistariga, laakii shaqooyinkii uu dhankaa ka qabtay inteedii badneyd wuu qariyay, sida la sheego, waxaana la tilmaama inuu gubay in badan oo ka tirsan buugaagtii uu dhankaa ka qoray, waxaanuu sidoo kale muhiimad gaar ah siin jiray cilmiga Falsafadda iyo theology-ga.

In kasta oo uu guulo waaweyn ka gaaray dhanka cilmiga iyo aqoonta, ayaa hadana waxa uu aaminsanaa, in waxaas oo dhani ay yihiin bilow oo qura, hadalladiisii dhaxalgalka ahaa waxaa ka mid ah inuu yiri “Waxaan ahaa sidii canugyar oo ku ciyaaraya xeebta badda; oo raadinaya inuu helo dhagax dixeed jilicsan ama bacool ka fiican kan dadku ay u barteen, badweyntiina way iga sii horreysaa oo cidina wali waxba kama aaney raadin”.

Hadda waxaan aragnaa sida uu u saxsanaa, gadaashiisa horumar ballaaran ayuu cilmigu tiigsaday, waxaase isweydiin leh, badweyntii intee ayaa gudaha loo galay? Mise wali xeebtii ayaan  joognaa oo sidii uu bacoosha ama dhagax dixeedka badda hareeraheeda  uga raadgoobayay ayaan wali taagannahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close