CaafimaadkaWararka

20 Caruur ah oo Cudurka Jadeecada Ugu Geeriyootay Tuulada Maandheere

In ka badan 20 Carruur ah ayaa cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen Tuulada Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Tuuladaasi Saalax Maxamed Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM, ayaa sheegay in carruur kale oo intaasi ka badan ay la il daran yihiin cudurkaasi, islamarkaana aanu jirin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo cudurka halkaasina ku yaalla.

Waxa uu tilmaamay in qoys walba oo ku dhaqan Tuulada Maandheera ay ka xanuunsan yihiin Labo illa Saddex carruur ah, walibana uu hayo cudurka Jadeecada.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay in aysan awoodin xitaa in carruurta xanuunsan ay u qaadaan magaalada Jowhar wabiga oo fatahay iyo waddooyinkii oo xirmay darteed.

“20 in ka badan oo carruur ah ayaa Tuulada ku dhimatay, kuwo kale wey xanuunsan yihiin, ma leh meel lagu daweeyo, midda kale Tuulada go’doon ayeey ku jirtaa oo meel walbo biyo ayaa ka jaray” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha tuulada Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, Hay’adaha Samofalka iyo Dowladda Soomaaliya in gurmad caafimaad ay la gaaraan Tuuladaasi.

Ugu dambeyn, cudurrada shuban-biyoodka iyo jadeecada ayaa muddooyinkii dambe dhibaato badan ku hayay gobollada kala duwan ee dalka iyadoo labaad cudur ay yihiin kuwo la socoday abaarta caruur iyo haween farabadanna soo ritay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close