WacyigelinWararkaWaxbarashada

Viruska WannaCry oo Ugu Dabmeyn Laga Adkaaday

Cilmibaarayaal u dhashay dalka Fransiiska ayaa sheegay Jimcihii la soo dhaafay iney heleen waddo dadka fasamo yaqaanka ah ay kula dagaalami karaan Fayruska WannaCry ee madaxfurasho, kaas oo boqolaal Kun oo computer shaqada ka fariisiyay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Cilmibaarayaashan oo ku takhasusay ammaanka macluumaadka computer-da oo kaashanaya kuwo kale oo ka tirsan dhammaan daafaha dunida ayaa sheegay iney iska kaashadeen horumarinta xal loo helay qufulka Fayrusku uu ku xirto documents-ka computerrada uu ku dhaco.

Laakiin waxay ka digeen in xalkan uu ku shaqeynayo waddo gaar ah oo qura, waa haddii aan wax is bedel ah lagu sameyn qalabka kadib markii uu Fayrusku ku dhacay iyo in isla marka uu Fayrusku ku dhaco qalabka si degdeg ah oo adeegsado xalka cusub ee ay sameeyeen.

Booliska Yurub ee Europol ayaa boggooda Twitterka ku soo daabacay iney tijaabiyeen xalkan cusub isla markaana uu u shaqeeyay oo ay soo ceshadeen documents-kii uu fayrusku la wareegay.

Cilmibaarayaasha ayaa si bilaash ah u siidaayay xalkooda iyadoo aan loo baahneyn in wax madax furasho ah la bixiyo, waxayna ugu magac dareen “WannaKiwi”, barnaamijkan ayaa si wanaagsan ugu shaqeeyay computer-da leh Window 7 iyo kuwii ka horreeyay sida XP iyo Windows Service 2003. Sida uu sheegay mid ka mid ah cilmibaarayaashu adeeggan ayaa goordhow ku shaqeyn doona Windows 2008 iyo Windows Vista dadka adeegsana ay u fududaanto iney xalka si fudud ku helaan, taas oo ka dhigan in dhammaan computer-da ay xalkaa Fayruska qufulkiisa lagu jabinayo wada heli doonaan.

Cilibaarayaasha ayaa sheegay iney lasoo xiriireen bankiyo caalami ah iyo shirkado tamarta ah iyo waliba sirdoon dowladood oo ka tirsan dowlado badan oo Yurub iyo India oo kala hadlay arrimo ku saabsan barnaamijka lagu jabinayo qufulka Fayruska.

Website-yada dhibaatooyinka ugu badan la gaarsiiyay waxaa ugu badan Shiinaha iyo Ruushka oo heerka waxyeelladu ay gaartay illaa 30% dowladda hor, 20% tan kale, waana sida lagu sheegay shax ay soo bandhigtay shirkadda Kryptos Logic.

Mareykanka dhibaatada Soogaartay waa 7% ee Fayrusku uu gaarsiiyay, Ingriiska, Faransiiska iyo Jarmalka waxa uu dhibaateeyay 2%, weerarkii fayruska ee adduunka oo dhan.

Cilmibaaryaal amni iyo shirkado ayaa Kuuriyada Waqooyi  ku eedeeyay iney ka dambeyso weerarkaa Fayruska, waxaase arrintaa ka jawaabay oo gaashaanka u daruuray ku xigeenka safiirka Kuuriyada Waqooyi ee Qaramada Midoobay oo yiri, “In Pyongyang lala xiriiriyo Fayriskan waa arrin doqonniimo ah”.

Si kastaba, Fayruska WannaCry ayaa dhibaateeyay 300,000 oo computer oo adduunka oo dhan ah saameynna ku yeeshay illaa 150 dowladood oo ay ku jiraan kuwa ugu tunka weyn dunida oo marna ka badbaadi waayay dhibaatada Fayruskani uu leeyahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close