DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle oo Ka Hadashay 67 Arday oo Seegay Imtixaanka Mideysan ee DFS

Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle ayaa ka hadashay arday 67 arday ah oo seegay sanadkan ka qeybgalka imtixaanka mideysan ee ay qaadayso wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.

67 arday oo ka mid ah ardayda ka qalinjabineysa dugsiyada sare ee Imaamu Shaafici Jowhar ayaanan ka qeyb gelin imtixaanka midaysan ee sanadkan ay qabanqaabineyso DFS.

Dr.C/laahi Abuukar Shiikh oo ah wasiirka waxbarashada Hirshabeelle oo la hadlay Maandeeq FM ayaa ka warramay sababta keentay in ardaydaasi ay ka haraan imtaxaanka:

“Waxaa jiro hal iskuul oo ka mid ah iskuullada ku yallaa dagmada Jowhar oo maalmihii ugu dambeeyay imtixaanka bilaabashadiisa waxyar ka hor ah ayay soo baxday in Iskuulkaasi aanuu imtixaanka ka qeybgaleynin, sababtuna ay ahayd in howlihii ay ahayd in lagu diyaariyo ardayga inuu imtixaankaas ka qeybgalo in howlahaasi aan laga qabanin iskuulkaasi, sabab kastaba ha ahaatee, waxayna  naxdin ku noqotay dalladda waxbarashada ee ka shaqeysa degmada Jowhar, naxdin kale iyo waxaan la fileyn waxay ku noqotay wasaaradda waxbarashada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo wasaaradda waxbarashada ee Federaalka”.

Wasiirka ayaa sheegay in howsha aaney ka bilaaban kaar oo kaliya laakiin ay mihiim tahay in sanadka bilowgiisa la gudbiyo ardayga warbixintiisa dalladaha waxbarashada ee Jowhar ka dhisanna ay soo gudbiyaan, meesha ay wax ka khaldameenna ay halkaa tahay.

“Sida hadda soo baxday labo maalin kahor ayaaba la arkay in iskuulkaas  gudbiniba ardayda iyo wixii ku saabsanaa macluumaadkooda, waxaan  la xiriirnay wasaaradda Federaalka waxaa noo soo baxday in saacaddaa la joogo aan waxba laga qaban karin”,  arrinta waxaan ku ogaaday, ayuu yiri wasiirku,  fadhi aan iskugu yeeray 5 ta iskuul ee u fariisneysa imtixaanka dugsiyada sare ee Hirshabeelle si aan uga wadahadalno howsha imtixaanka qabashadiisa iyo habkii lagu qeybin lahaa kaararka imtixaanka.

Wasiirka ayaa mas’uuliyadda dusha uga tuuray maamulka iskuulka oo ay ku eedeeyay iney ka gaabiyeen kaalintoodii:

“Maamulaha sida uu noo sheegay ardayda Fasalka Afaraad ee Dugsiga sare waxaa u ahaa 67 arday ay ku dhacday nasiibdarradaas oo ah iney ka haraan imtixaankii, waxaa nooga qorsheynna waxa weeyaan, mas’uuliyadda Koowaad waxaa iska leh iskuulka dhiganaayo sidoo kale waxaa iska leh maamulka hay’addaas iskuulka gacanta ku hayso, annagana ka wasarad ahaan hadda ka dib waxaan ku cibro qaadan doonnaa in arrimaah oo kale ku dabagalno iskuullada iyo dalladahaba oo aaney dhicin in arday Soomaaliyeed mustaqbalkiisu si fudud ku baabi’in”.

Dhanka kale,  maamulka iskuulka oo aan la xiriirnay ayaa diiday iney wax cod ah na siiyaan balse dhacdadan waxay ku eedeeyeen wasaaradda waxbarashada ee Hirshabeelle oo ay tilmaamay iney gabtay mas’uuliyaddii gaarka ahayd ee ardaydaa ka saarneyd.

Sanadkan oo ay Hirshabeelle uga qeybgalayaan imtixaanka mideysan ee ay qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya wasaaradeeda waxbarashada Arday ku dhaw illaa 1800, waxaase jira arday kale oo boqol ku dhaw  oo uu mugdi ku jiro mustaqbalkooda maadama ay nasiib u yeelan waayeen iney ka qeybgalaan imtixaanka oo fursado farabadani ay ku hoos jiraan.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close