arrimaha bulshadaJaamacadahaWararkaWaxbarashada

Wax Ka Baro Qeexidda Erayga Cuqdatu-nafsiga

Inbadan ayaan aragnaa in dadka hareeraheenna jooga qaarkood lagu tilmaamo iney qabaan cuqdad ama ay cuqdadeysan yihiin iyadoo la eegayo habdhaqankooda qaar ay kaga duwan yihiin dadka intooda kale, hadaba waa maxay qeexitaanka dhabta ah ee erayga Cuqdatu-nafsiga.

Cuqdatu-nafsi

Cuqdatunafsiga waxaa lagu qeexaa inuu yahay fikrad ama fikrado isku xiran oo qofku uu la dhibaatoonayo saameyntooda qeyb ka mid ah amaba gabi ahaan, afkaartaa ayaana la xiriirta xaalado adag oo noloshiisa soo martay, qofku waxa uu dareemayaa oo kaliya waa raadka ay cuqdadaasi ku reebayso habdhaqankiisa, waxaana ka mid ah walwal haysta amaba shaki gaar ah oo uu ka muujinayo meel goonni ah, waxaa laga dareemayaa isku dhexyaac  jirka ah oo fikirkiisa xiriir la leh.

Dadka cuqdadda haysata dareemayaa waa kuwo dadka kale ay la wadaageen amba ay u sheegeen, laakiin sida caadada ah qofka cuqdadeysan isma dareensana inta badan.

Waxyaabaha Cuqdatu-nfsiga Dhaliya

Baqidin, dad qaarkood ayaa cuqdatu-nafsigu ku bilaabataa yaraantooda, xilligaas oo lagu sameeyay cabsigelin amaba uu ka boodo habdhaqan koox goonni ah sida Dhakhaatiirta , booliska amaba iskuulka, gaar ahaan marka lagu cabsi gleiyo, tusaale; dhakhtarka ayaan kuu geynayaa si uu kuu duro, macallinka ayaan kuu sheegay, …IWM, taas oo keenaysa in waxyaabahaa ehelku ku cabsigelinayaan si ay dhaqan goonni ah uga joojiyaan inuu baqdin ka qaado oo marka uu arko amaba uu maqlo uu ka boodo.

Shoogga oo uu qofku ka qaado waxyaabo goonni ah amaba tijaabooyin hore oo xaruunbadan ay soo maraan noloshooda, tusaale ahaa; haddii qofka yaraantiisa uu soo weeraro Ey, waxaa dhici karto in nolosha inta ka dhiman uu cuqdad ka qaado meesha uu ku arkana uu jareeyo amaba uu si xoog ah uga baqo, taasin waa cuqdatu-nafsi. Waxaa kale oo dhici karta in gabdh ama wiil uu marka hore uu guurku ka xumaado sidaa darteedna marka dambe lagu kari waayo inuu guursado ama ay guursato,…

Barbaarinta qofka ka hallowda, marka uu ilmaha yari uu ku barbaaro xaalad adag, baqdin gelin dhanka waalidka ah, waxwalba oo uu sameeyo dhibaato uu kala kulmo, waxyaabo badan oo caruurta asaaggiisu haystaanna iyadoo la karo loo diido, waxaa arrintaa ka dhalata dareen Taban oo ku abuurma canuga yar oo hadhow burburiya noloshiisa, waxaa ku abuurma karaahiyo, nacyb, waana xaalad adag marka naftiisa la eego, waxayna noqoyaan cuqdatu-nafsi marka uu weynaado ay adag tahay sida looga tirtiraa.

cuqdatunafsi

Maandeeq FM

Related Articles

Close