WararkaWarbixinnoWaxbarashada

8 Calaamadood oo Ku Tusinaya Inaad Dadka Kale Ka Caqli Badan Tahay

Halbeegga caqliga caadig ah  waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay inta u dhaxaysa 84-116 darajo ee halbeegga ( IQ ),  kaas oo darajada ugu badan ee uu gaaraa ay tahay 200 darajo, dhexdhexaadkuna uu yahay 100, laakiin cilibaarisyo farabadan oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday iney jiraan calaamado ku tusinaya in darajada halbeegga IQ uu ka badan yahay tan dhexdhexaadka.

Cilibaarisyadaa kala duwan oo la soo uruuriyay waxay ku tusinyaan qofkii lagu arko astaamahan amaba inta badan yeesha inuu yahay qof caqli badan, waxaana ka mid ah:

1 – Qoys Hal-Abuurka Iyo Caqli Badnaanta Lagu Yaqaanno Maka Soo Jeeddaa

Caqlibadnaantu waxay xiriir la leedahay dhanka  waalidka oo laga dhaxlaa, cilmibaaris la soo saaray 2001 oo culumo Mareykan ah iyo kuwo Finland ah ay sameeyeen ayaa waxay soo saartay natiijo ah in hidasidaha waalidka laga dhaxalku uu lagama maarmaan u yahay korintaanka qeb ka mid ah maskaxda aadanaha, waxayna soo saareen in caqli badnaanta la kala dhaxlo.

2 – Naasnuujinta Dabiiciga ah

Waxaa xiriir toos ah leh helitaanka naasnuujin dabiici ah iyo koritaanka caqliga, sanadkii 2007 ayaa jaamacadda Duke University ee dalka Mareykanka ay sameysay cilibaaris ku aaddan xiriirka ka dhexeeya naasuujinta dabiiciga ah iyo caqliga waxaa u soo baxday in naasnuujinta dabiiciga ah ay wanaajiso heerka caqliga.

3 – Sigaar Cabis La’aanta

Raadka caafimaad ee xun ee uu sigaarku leeyahay waxaa u sii dheer inuu hoos u dhigo heerka caqliga aadanaha, daraasad ay soo bandhigtay jariida Daily Mail sanadkii 2010 ayaa waxaa lagu ogaaday iney jirto in xiriir uu ka dhaxeeyo sigaarka iyo caqliga aadanah oo mar kasta oo aad sigaar cabistaadu badato caqligaaga uu si taban u saameynayo.

4 – Ubareediidda Caqabadaha iyo Halisaha

Waxaa jira xiriir ka dhexeeya ubareeridda khataraha iyo aqbalaadda  caqabadaha iyo halista oo loo bareero iyo caqliga, waxaana la ogaaday in dadka aan ka baqan tijaabooyinka cusub una bareera khataraha ay yihiin dad ka caqli badan kuwa jecel inaan marnaba wax isbedel ah aan la sameyn.

5 – Adeegsiga Internet

Waxaa jira xiriir ka dhexeeyay caqliga iyo adeegsiga Internetka, sidaa darteed wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sanadkii 2010 waxay sameysay cilmibaaris, waxaa ka qeybgalay illaa 895 oo ka mid ah khubaro dhanka internet-ka ah, inta badan waxay isku raaceen in internet ku uu dadka ka dhigo kuwo caqli badan, waa marka si wanaagsan loo adeegsado.

6 – Cayilka iyo Caatanimadu Saameyn Maku Leedahay Caqlibadnaanta?

Dadka cayillan kuma dhashaan caqli ka hooseeya dadka caatada ah, laakiin waxaa hubaal ah in cayilku uu saameyn taban ku leeyahay halbeegga caqliga, sidaa darteed waxaa fiican in qofku uu ilaashado heerka fiican jirkiisa kuna dadaalo caafimaadkiisa jireed.

7 – Gurey Ma Tahay

Haddii aad adeegsato gacantaada bidix waxaa dhici karta iney caalamad u tahay caqli badnaantaada, koox ka mid ah culumada cilmi nafsiga oo ka tirsan jaamacadda Athens ee dalka Greece ayaa cilmibaaris ku sameeyay 100 arday oo kala bar ay gurren yihiin, ardaydan ayaa si isku mid ah u maray imtixaanno caqliyeed, luuqadeed iyo mid xisaabeed, ardaydii gacanta bidix ayaa imtixaanaadka ku adkaaday oo muujiyay maskax furnaan dheeri ah iyo halabuur.

8 – Curad Ma Tahay

Inaad curad tahay oo aad caruurtiinna u weyn tahay, waxay taasi caddeynaysaa inaad ugu caqlibadan tahay caruurtiina, waana sida lagu ogaaday cilmibaaris soo baxday 2007 oo ay sameeyeen culumo u dhalatay dalka Norway.

Maandeeq FM

Related Articles

Close