WararkaWaxbarashada

Imtixaanka Mideysan ee Fasallada 12aad oo Maanta Si Rasmi ah u Soo gabagaboobaya

Waxaa maanta si rasmi ah usoo gabagaboobaya imtixaanka mideysan ee fasallada 12aad ee dugsiga sare kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Imtixaanka ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah iyadoo ay maanta ardaydu u fariisteen maddooyinkii ugu dambeeyay oo kala ah Physics iyo Geography,  jadwalka ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya 14, May, 2017.

Sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada sanadkan waxaa ka qeybgalay imtixaanka mideysan arday gaaraysa Illaa 23,000 oo arday oo ka kooban inta badan gobollada dalka Marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, in kasta oo ay jirto in ay maanta tahay maalintii ugu dambeysay ee imtixaanka ayaa haddana waxaa jirta arday aan nasiib u helin iney ka qeybgalaan imtixaanka oo dhameystay fasalka 12aad, waxaa ka mid ah 67 arday oo Hirshabeelle ah iyo gobolka Jubbada dhexe oo ardaydiisa iney imtaxaanka ka qeybgalaan iska daaye aan waxbixin aaney ka hayn DFS.

Maandeeq FM

Related Articles

Close