DugsiyadaWararka

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka DFS oo Xaflad Sagootin ah Usameeyay Macallimiin Masaari ah

 Ra’isul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay macallimiin masaari ah oo wax ka dhigeysay jaamacado iyo iskuulaad kala duwan ee gudaha dalka ah.

Wakaaladda wararka Sonna ayaa sheegatay in xafladda sagootin ah ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan, golaha wasiirada, baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Dhaahir Cusmaan ayaa sheegay in macallimiintani ay waddanka gudihiisa joogeen muddo 7 bilood ah, waxaanuu xusay iney jirto heshiid dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ka kooban illaa 5 qodob oo uu ka mid yahay in macallimiin Masaari ah lagu wareejiyo Labo iskuul oo ay ka howlgalaan.

Macallimiinta Masaarida ah ayaa dhankooda ka mahadceliyay  soo dhawaynta fiican iyo martigelinta wanaagsan ee ay ka heleen gudaha dalka, iyagoo sheegay in qorshohoodu yahay iney farriinta waxbarashada gaarsiiyaan dhammaan gobollada kala duwan ee dalka, waxayna ugu baaqay wasaaradda waxbarashada iney booqato Masar si ay u soo indhoindheyso habsami u socodka hay’adaha waxbarasho ee kala duwan.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka soo jireenka ah iyo kan taariikheed ee isku xira Labo dal ee walaalaha ah waa Soomaaliya iyo Masar’e ee  dhinacyada kala duwan; waxbarashada, ganacsiga, siyaasadda, isoo farta ku fiiqay in Masar ay kaalin weyn ka qaadatay in Soomaaliya ay ka xorowdo gumaystaha.

Ugu dambeyn, ra’isul wasaare ku xigeenka ayaa u mahadceliyay macallimiinta iyo dowladda Masar garab istaagooda joogtada ah, isagoo ka codsaday iney sii wadaan kaalintoodaa muhiimka ah.

macallimiin masaari ah

Maandeeq FM

Related Articles

Close