WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada K/Galbeed oo Aan Ka Wareysannay Dadaalkoodii Ku Aaddanaa Imtixaanka Mideysan ee Maanta Lasoo Afmeeray

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ayaan ka wareysannay dadaalkooda ku aaddan imtixaanka mideysan ee ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada DFS.

Wasiirka waxbarashada maamulka Konfurgalbeed Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Maandeeq FM ayaa sheegay in madaxweynaha Konfurgalbeed uu dhiirigelin weyn u sameeyay ardayda sanadkan ka qeybgaleysa imtixaanka mideysan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Konfur-galbeed Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa ugu horreyn ka hadlay tirada ardayda sanadkan kaga qeybgaleysa imtixaanka ee maamulkooda:

“Waxaan maanta soo gabagabeynnay imtixaankii shahaadiga ahaa 2017, imtixaankaasi waxa uu ka socda dhammaan dalka oo dhan, annaga Konfurgalbeed ahaan waxaa nagu soo hagaagtay gobolka Bay oo ardaydii la iskugu keenay magaalada Baydho waxaa imtixaanka u fariisatay 777 arday iyo gobolka Shabeelaha hoose oo ay u fadhido 340 marka la isku darana waa 1117 arday, Illaahay baa mahaddaa iska leh, waxaan rajeynaynaa inuu imtaxaankani noqdo kii ugu fiicnaa daganaansho badan ka muuqato, ardaydyna ay aad uga faa’ideysteen wakhtigooda iyo jaaniskooda”, ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu xusay iney jiraan 10 arday oo duruufo haysta awgood ay ugu suurtogeli weyday iney Soo gaaraan magaalada Baydho kuwaas oo ka mid ah ardayda Xuddur, maadama imtixaanku uu Baydhabo ka dhacayay.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Madaxweynaha Konfur-galbeed ee Shariif uu ku soo booqday ardayda iskuulaadkii ay imtixaanka ku galayeen, jeebkiisa uu ka ballanqaado inuu deeq waxbarasho oo dibadda ah u diri doono ardayga kaalinta 1aad ka gala imtixaanka:

“Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay booqasho noogu yimid oo iskuulaadka nagu soo booqday, waxa uu ballanqaaday ardayga ugu horreeyo inuu deeq waxbarasho jeebkiisa ka diri doono cid kalena aan la weydiin doonin, kuwa kale ee kaalmaha ugu horreeya galana in laga dhigi doono kuwa ugu horreeya ee deeqaha la helo”.

Wasiir Maxamed Nuur waxa uu xusay iney wadashaqeyn fiican ay la leeyihiin wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya:

“Wasaaradda waxbarashada ee Federaalka aadbaan iskula shaqeynnaa, waxa dhibaato ah dhexdeenna ma yaallo, intan in ka fiican iney sii ahaandoonto sanadada soo socda ayaan rajeynaynaa”.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in Labadii sanno ee uu hayay xilka wasaaradda waxbarashada konfur-galbeed in horumar la tiigsaday, sanadkii hore ayuu sheegay iney imtixaanka ka qeybgaleen 600 arday ku dhawaad, halka kii kasii horreyayna ay u fariisteen 100 arday oo kaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close