arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jamciyadda Caawinta Ardayda Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Fursado Deeqo Waxbarasho ah oo Ay Ka Faa’ideysan Karaan Ardayda

Jamciyadda Caawinta Ardayda Soomaaliyeed oo soo bandhigtay fursado ay ku heli karaan ardayda danyarta ah  deeqo waxbarasho oo jaamacadaha dalka ah.

Guddoomiyaha Jamciyadda Caawinta Ardayda Soomaaliyeed “Sosst” C/raxmaan Maxamuud Jilacow oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa sharraxaad ka bixiyay shaqooyinka ay qabato jamciyaddooda, waxaana hadalkiisii ka mid ah:

“Jamciyadda caawinta ardayda Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 2012, waxaana aasaasay arday Soomaaliyeed oo jaamacadaha dalka wax ka barta, kuwaas oo go’aan saday iney ka caqabtiraan dadka aan waxbarashada iska bixin karin, waxaan sameeynnay barnaamijyo siminnaaro iyo barnaamijyo kala duwan oo lagu dhiirigelinaayo ardayda Soomaaliyeed iney waxbarashada marwaliba horey u sii wadaan, waxaan qabanney tababarro qofku sidii uu ku baran lahaa xirfado”.

C/raxmaan ayaa ka hadlay sanadadii la soo dhaafay iyo sida ay u caawiyeen ardayday Soomaaliyeed ee danyarta ah:

“2012-2013 waxaa jirtay arday aan minxo siinnay oo maanta jaamacaddii ka qalinjabisay, 2013-2014 waxaa jirtay arday 900 ku dhawaad ah oo aan geynnay jaamacado kala duwan oo sanadkan soo qalinjabinaya, illaa iyo hadana shaqadii waan wadnaa oo sanadkii lasoo dhaafay waxaan bixinnay deeqo waxbarasho oo farabadan, 21 jaamacadood ayaan arday kala geynnay, qof waliba oo u baahan in waxbarashada laga saacidana jamciyaddu way soo dhaweynaysaa, yoolkeennu waxa weeyaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxbarshada iska bixin karin inaan caawinno”.

“Jamciyadda caawinta ardayda Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 2012, waxaana aasaasay arday Soomaaliyeed oo jaamacadaha dalka wax ka baratay, kuwaas oo go’aan saday iney ka caqabtiraan dadka aan waxbarashada iska bixin karin, waxaan sameeynnay barnaamijyo siminnaaro iyo barnaamijyo kala duwan oo lagu dhiirigelinaayo ardayda Soomaaliyeed iney waxbarashada marwaliba horey u sii wadaan, waxaan qabanney tababarro qofku sidii uu ku baran lahaa xirfado “.

Sanadkan ayaa waxaa ka qalinjabinaya dugsiyada sare ee dalka arday ku dhaw 30,000 arday dhammaan gobollada kala duwan ee dalka kuwaas oo shaki la’aan u baahan deeqo waxbarasho oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba leh, maadama ay hubaal tahay iney ku jiraan arday badan oo aan iska bixin karin jaamacadaha oo lacago farabadan lagu dhigto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close