arrimaha bulshadaWararka

Curashada Ramadaanka Kadib, Wax ka Ogow Dowladaha Laga Soomayo Saacadaha Ugu Badan, Dalkeenna oo Noqday…….

Iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu horreysay ee bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dadka muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku kala sugan ay soomayaan saacado kala duwan, dowladaha qaar ayaa soomaya illaa 10 saacadood halka kuwa kalena ay soomayaan 20 saacadood.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Bariga dhexe, dowladda Al-Jeeriya ayaa sanadkan noqoneysa dowladaha carbeed tan ugu saacadaha dheer waxaa dalkaa laga soomayaa 16 saacadood 44 daqiiqo, halka Soomaaliya ay tahay tan ugu wakhtiga gaaban oo laga soomayo 13 saacadood waana sida xisaabta Astrological-ka ah ay sheegayso.

Dr. Ahmed Qariiq oo ku takhasusay cilmiba Astrological ahna khabiir u dhashay dalka Al-Jeeriya ayaa sheegay Arbacadii in arrintani ay tahay wax iska dabiici ah, isbedelka tirada saacaduha soonkuna uu ku xiran yahay hadba xilliyada sanadka:

“Maadama ay bisha Ramaad kusoo beegan tay bisha Juun, waxaan soomeynaa maalinta ugu dheer sanadka, sidaas oo kale bishan habeenkeedu aad ayuu u gaaban yahay”, ayuu yiri, Dr. Ahmed Qariiq oo ka hadlayay sababta saacadaha dhaadheer ee dalkiisa.

Tirada saacadaha ugu badan ee waddamada Carabta halka uu ku dhaw yahay 17 saacadood, muslimiinta ku dhaqan wadamaba Scandinavian-ka waxay Soomayaan illaa 20 saacadood iyadoo xilliyadan oo kale sanadkan Qorraxdu inta badan aaney dhicin.

Mulimiinta Sweden, Norway, Finland sanadkan waxay soomayaan 20 saacaadood iyo Bar, waana wadamada laga Soomayo saacadaha ugu badan ee dunida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close