JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Mark Zuckerberg oo Ugu Dambeyn Shahaadadii Ka Qaatay Jaamacadda Harvard oo Ahayd Meeshii uu Ku aasaasay Barta Facebook

Mark Zuckerberg oo ah aasaasaha Facebook ahna mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee ka tagay waxbarshada Harvard inta aaney  u dhamaan, ayaa waxa uu dib ugu laabtay jaamacadda, halkaas oo Khamiistii lasoo dhaafay uu kula hadlay ardayda sanadkan ka qalinjabineysa jaamacadda isla markaana guddoomay shahaadadii qalijabinta ee jaamacadda muddo dheer ka dib.

Zuckerberg oo hadda ah 33 jir ayaa booqday Taladaadii lasoo dhaafay jaamacadda iyo bartii uu ka daganaa oo uu ku aasaasay Fecebook, halkaas oo markii ugu horreysay uu ku koobnaa ardayda oo kaliya iyo saaxiibadiisa gaarka ah.

“Halkan ayaa fariisan jiray, waxaan haystay Laptop yar waxaan ka howlgalayay inaan design gareeyo Facebook, arrintaasi waxay igu qaadatay Labo isbuuc, halkan ayaanan ku aasaasay Facebook” ayuu yiri mar uu hadal ka jeediyay gudaha jaamacadda.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 ayaa Facebook noqday website-ka ugu weyn ee ay bulshadu ku xiriirto adduunka oo dhan, waxaana fikaraddaa ka aasaasmay baro kale oo ay bulshadu ku xiriiraan sida Twitter, Snipe Chat iyo kuwo kale.

Xilligan hadda la joogo waxaa Facebook macaamiil u ah illaa 1.9 billon oo qof oo bil kasta adeegsada.

Zuckerberg waxaa uga horreeyay Bill Gates oo sanadkii 2007 intii ku soo laabtay jaamacadda Harvard ka sheegay: “Waxaan ku riyoon jiray inaan mar un shahaadadayda ka qaato jaamacadda, waa wax wanaagsan ugu dambeyn inaan taariikh nololeedkayda aan ku qoro inaan ka qalinjabiyay jaamacad”, ayuu yiri Bill Gates oo ka mid ahaa ardaydii jaamacadda ka haray igoon waxbarashu u dhammaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close