CaafimaadkaWararka

Saynisyahanno: Hurdo Yaridu Waxay Keentaa Cimri degdeg

Dhakhaatiir Mareykan ah ayaa sheegay in hurdo yaridu ay keento cimri degdeg iyo iney kugu soo boodaan cudurro khatar ah sida; dhiigfuranka maskaxda gaar ahaan dadka qaba cudurrada wadnaha.

Shirkii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan ururka dhakhaatiirta cudurrada wadnaha Mareyka ayaa carrabka lagu  adkeenyay in ugu yaraan 6 saacadood maalintii laga seexdo, waxayna sheegeen: “Iney ku talinayaan dadka la xanuunsan cudurrada wadnaha iyo sokorta iney seexdaan ugu yaraan 6 saacadood maalintii, hurda yaraantu waxay kordhisaa cudurada dhiigfuranka maskaxda Labo jeer marka loo barbar dhigo dadka caafimaadka qaba ee seexda maalintii in ka badan 6 saacadood”.

Culumadan saynisyahannada iyo dhakhaatiirta iskugu jiraa waxay sheegay iney najiidan ay u soo baxday kadib daraasad ay wadeen muddo 16 sanno ah , taas oo ay ka qeybgaleen 1344 qof oo qaangaar ah oo da’doodu u dhaxayso 42- 49 sano, in ku dhaw 39% waxay halis ugu jireen geeri xilli hore ah amaba cimri degdeg, iyagoo qabay cudurrada sonkorta, dhiigkarka iyo cayilka.

Marka ay dhamaatay cilmibaaristii ay wadeen 16 sano kadib ayaa waxay arkeen in 22% dadkii ay geeriyoodeen, markii faylashoodii dib loo eegay waxaa la ogaaday in hurdadu ku yareyd Lix saacadood in ka yarna ay seexan jireen maalintii.

Saynisyahannadii isku soo dubariday cilmibaaristan waxaaa usoo baxday in sannooyinkii dambe dadka reer Mareykan ay wakhtiga intiisa badan shaqo galiyeen arrintaas oo xilliyada hurdada ku yareysay korna u qaadday iney ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga la xiriira.

Maandeeq FM

Related Articles

Close