arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Ka Hadashay Xilliga Manhaj Midaysan uu Ka Dhaqangalayo Dalka

 Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo dhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xilliga mahanjka cusub uu  ka dhaqangalayo dalka,  xilligaas oo ku beegan sanad dugsiyeedka 2018-2019.

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in bisha December ee sanadkan ay soo gabagabeynayaan qoraalka muqararka dugsiga hoose illaa fasalka 4aad, halka inta dhimanna ay ku soo gabagabeyndoonaan illaa Juun 2018.

“Waxaa soo socdo muqararkii oo hadda soo socda oo la dhameystiraayo, iyo buugaagtii inaan qorno, illaa galaaska 4aad inaan qorno waxaan ku guuleysan karnaa illaa December, waxaan haysanna markaa buug Soomaali ah oo manhajkeenna ka yimid, kaas oo ku salaeysan siyaasadda waxbarashada iyo shuruucdii dalka u yallay oo xagga waxbarashada ah, oo dalka oo idil laga isticmaali doono, January illaa Juun, 2018 waxaan rajeynaynaa inaa qorno buugaagtii waxbarashada guud ee labada heer leh, heerka waxbarasho ee hoose iyo heerka sare, markaa 2018-2019 dalka oo idil markaa waxa uu haystaa Hal-imtixaan, waxaa wax lagu bartaa Hal manhaj, waxay taasi annaga naga saacideysaa in dadka Soomaalida aan lasoo dhexgeli karin, intaas waxaan ahayn wax socon doona maaha”, ayuu yir wasiirka waxbarashada DFS.

Dalka ayaa waxaa ka jira dallado waxbarasho oo kala duwan iyo manhaj baahsan oo aan midaysneyn oo u badan kuwo waddo kale, iyadoo laga warsugayo sida ay u hirgelin doonto wasaaradda waxbarashda manhajka mideysan oo xilliyo hore ay isku dayeen dowladdii hore oo ku fashilmay arrinkan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close