arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Ka Hadlay Sababaha Ay Udiideen Ka Qeybgalka Imtixaanka Mideysan ee DFS

Wasiirka wasaaradda wabarashada Puntland ayaa ka hadlayay sababaha ay uga qeybgali waayeen imtixaanka mideysan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo qabanqaabisay sanad dugsiyeedkan.

Abshir Aw-Yuusuf Ciise  wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ka hadlay sabaha Puntland ay uga qeybgeli weyday imtixaanka mideysan ee ay soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu ku tilmaamay cadaalad darro maadama muddo 13 sano ay imtixaan mideysan ay qaadeen kan Federaalkuna uu yahay saddex sano oo kaliya.

Waxa uu ka hadlay in shahaadaha ardayda qalinjabisay ay noqon doonto midda Puntland, tan Federaalkana loo sameyn doono qofka dibadda u baahan inuu wax ku soo barto oo qura:

“Shahaadada ay qaataan shahaadaha Puntland weeye, 13 sanadood shahaadaas ayay qaadanayeen, shahaadada Federaalkana waxaa  qaata ardada dibadda aadaysa Federaalka kiisa ayaa la qaataa, markaa shahaadadu mid xagga federaalka taalla weeye, jaamacadaha gudaha waxa galaya oo dhan shahaadaha Puntland ayay ku galaan, group yar ee tagayana shahaadaha Federaalka ayay qaataan”.

Waxa uu farta ku fiiqay sababaha ay uga qeybgali waayeen imtixaanka mideysan ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare waxa uuna tilmaamay  in Puntland ay haysato manhaj iyo imtixaan mideysan waxbarashaduna aaney ahayn siyaasad, laakiin ay tahay qorshe in muddo ah la dhaqangeliyo oo isla socoda:

“Cadaalad noqon meyso oo tan federaalka muddo saddex sanno ah weeye, kuwakan 13 sano weeye imtixaan iyo manhaj iyo adduun isku fadhiya weeye, markaa, waxbarasho wax siyaasadeysan maaha, waa qorshe lagu socdo, Soomaalidu waa burburtay deegaan waliba waxbuu sameeyay deegaanno ayaa markiiba xoogga tacliinta saaray oo tacliintii mideeyay”.

Sanad dugsiyeedkan 2016-2017 ayaa 12,700 oo arday ay u fariisteen imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee dowlad goboleedka Puntland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close