DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Madaxweynaha Turkiga oo Difaacay Dugsiyada Sare ee Diiniga ah ee Dalkiisa Ka Furan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyay sheegashada ah iney ardayda ku khasbaan iskuulaadka diiniga ah ee loo yaqaanno Imaamyada iyo khudabada oo ah dugsiyo sare oo ay dowladdu maalgeliso.

Hadalkan ayuu Erdogan ka sheegay kulan ay yeesheen madasha dhalinyarada Imaamyada masaajidda iyo wacyigelinta oo ay soo qabanqaabisay jamciyadda Ondar oo lagu qabtay garoonka kubadda ee Qaasim Pasha ee ku yaalla magaalada Istanbul Jimcihii 26,May, 2017.

Madaxweynaha Turkiga ayaa yiri, “Maalinna kuma aanan dhaqmin siyaasadah cadaadiska iyo khasabka, xaqiiqaduna way u muuqataa dadka caqliga leh”.

Erdogan waxa uu ku difaacay ardayda iskuulaadka sare ee diinigi ah, waxa uu yiri: “Ardaydani waligood ma’aaney garabsiin argagixiso haddana lagama filayo, dulmigana ma difaacaan iyo dadka qaanuunka ka baxsan, wax sharciga khilaafsanna kuma dhaqmaan”.

Erdogan waxa uu beeniyay warar ay warbaahintu isla dhex mareysay oo ah in iskuulaadka Imaamyada iyo Khudabada ardayda lagu khasbo, waxaanuu yiri: “Wararka sheegaya in ardayda la khasbaa iskuulaadka caadiga ah inta laga soo wareejiyo lagu daro iskuulaadka diiniga ah, waa been dano gaar ah laga leeyahay oo khaldan, waxaan nahay shacab horey u jabiyay silsiladihii lagu xiray iskuulaadkaa diiniga ah”.

Erdogan waxa uu aad u amaaney dadka ku howllan dadaalka farahabadan ee ku bixay aasaaska iyo horumarinta iskuulaadka “Imaamyada iyo Khudabada” tobankii sanno ee ugu dambeysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close