JaamacadahaWararka

Qeyb Ka Mid ah Burburka Doontii Nabi Nuux CS oo La Helay

Koox culumo saynisyahanno ah oo u kala dhashay dalalka Shiinaha iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay iney heleen qeyb ka mid ah burburkii doontii Nabi Nuux CS.

Culumadan ayaa helay qeyb ka mid ah burburkii doonidii Nabi Nuux oo ay ka heleen buurta Ararat isla marnaana ku daboolnaa qolof adag oo iskugu jira baraf iyo haraadiga fulkaano buureed.

Haraadigan ayaa laga helay meel 400 mitir ka sarreysa heerka badda.

Jariidada Daily Express ayaa sheegtay in baaritaannadii lagu sameeyay burburka doonida uu noqday da’diisu mid 4800 sano  ka hor ahaa.

Culumadan oo bayaan soo saaray ayaa sheegay: “Waxaa dhici karta in haraadigani aanuu ahayn kii Doontii Nabi Nuux 100%. Laakiin waxaa aaminsanhay in suurtagalku uu yahay 99.9% iney ka mid ah haraadiga doontaas”.

mt-ararat-940623 structure-940621

Maandeeq FM

Related Articles

Close