WacyigelinWararka

Talooyin Uu Ubaahan Yahay Qofka Sigaarka Caba Inta Lagu Gudo Jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Waxaa adag inaad qof in muddo ah sigaar cabayay aad ku qanciso inuu si fudud uga go’ si kasta oo u ogyahay dhibaatada caafimaad iyo dhaqaale ee u leeyahay, laakiin marka ay bilato bisha Ramdaan  dadka sigaarka cabbaa waxay bilaabaan fakar ku aaddan iney gabi ahaanba ka go’aan caadadan xun ee dhibaatada ku ah naftiisa iyo maalkiisa ee sigaar cabista ah.

Hadaba talooyinka uu u baahan yahay qofka sigaarka cabbaa waxa ugu horreeya inuu go’aan ku qaato si dhab ah inuu uga go’ayo iyo inaanuu ka caajisin amaba aanuu muddo kale dib ugu dhigin.

Waa inuu si ballaaran u akhriyo dhibaatooyinka sigaarka iyo khataraha uu leeyahay oo ah kuwo aan la soo koobi karin, iyo inuu qofku is xasuusiyo in laga xisaabin doono caafimaadkiisa, maalkiisa iyo cimrigiisa.

Inuu ka fogaado dadka saaxiibadii ah ee sigaarka caba iyo inuu saaxiibbo cusub ka sameysto dadka aan sigaarka cabin amaba dadka saaxiibadii ah ee sigaarka cabba iney isku dhaarsadaan sidii ay sigaarka uga go’i lahaayeen iskuguna dhiirigelin lahaayeen iney ka go’aan cadaad xun ee dhibaatada mooyaane aan dheefta lahayn.

Go’aanka markaad gaarto oo aad ka fogaato makhaayadaha ay fariistaan dadka sigaarka caba, waxaa kale oo lagaa doonayaa inaad iska ilaaliso daalka faraha badan oo ku xasuusinaya sigaarka, sidaa si lamid ah waxaa muhiim ah inaad la dagaalanto calaamadaha uu leeyahay marka sigaarka aad ka go’ayso ee qabatinku uu sababta u yahay; tusaale ahaan; dhuunta oo ku qalaleysa, hurdada oo kaa yaraaneysa, daal farabadan  oo aad dareemayso, niyad jab meel uu ka yimid aadan fahamsaneyn, waxaa iska caadi ah  inaad aragto arrimahaas oo dhan, gaar ahaan marka aad sigaarka cabbeysay muddo dheer; sababtuna waa maadada Nicotine oo jirku la qabsaday, waxaa kale oo aad iska joojineysaa cabitaanka qaxwaha amaba coffee-ga, xilliga aad daal xooggan dareento waxaa habboon inaad la xiriirto dhakhtar si aad uga hesho talooyin wanaagsan, waxaana lagu taliyaa oo habboon marka aad daalka dareento inaad sameyso xoogaa jimicsi ah amaba aad biyo diirran ku mayrato.

Waxaad ogaataa inaad ka dhaxleyso faa’idooyin waaweyn marka aad ka go’do sigaar cabista, laakiin waxaad ku xisaabtantaa in muddo 3 bilood ah lagaaga baahan yahay inaad adkeysato si Nicotine-ku uu jirkaaga uga baxo.

Waxaa kale oo wanaagsan inaad dhakhtar ilkaha ah  gaarto si uu kaaga nadiifiyo raadkii sigaarku uu ilkahaaga ku reebay.

Ogow waxaa jira dawooyin la isticmaalo marka aad sigaarka ka go’ayso, dawooyinkaa aad qaadaneyso maada Nicotine-ka ayay raadkeeda ka nadiifinayaan maskaxda, sidaas oo kale waxaa isticmaali kartaa xanjo marka aad afurto ka dib.

sigaarka iyo bisha ramadaan

Maandeeq FM

Related Articles

Close