DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo Ganacbidixayn Ku Eedaysay DFS

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq FM ayaa ka hadlay in Galmudug xuquuqdii Siyaasadeed iyo tii dhaqaale aaney ka helin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay waxa ka maqan ee ay ka doonayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay in maamul goboleedyada loo cadaalad sameeyo isla markaana aan loo kala eexan:

“Waxaan ka tirsannahay dowladda Soomaaliyeed, waxaan nahay dowlad goboleed waxaan xaq ku leenahay xuquuda ay dowladda Federaalku ay siiso maamulgoboleedyada, hase yeeshee maalmahanba waxaa jiray cabashooyin kala duwan oo runtii aan ku tilmaameynnay in xoogaa cadaaldarro ah ay ka jirto wasaaradda dowladda dhex oo run ahaantii aanan aad ugu qanacsaneyn sida ay wax u waddo iyo sida ay wax u maamuleyso oo mararka qaar laga yaabo in dowlad goboleedyada dalka ka jira loo kala sad buriyo”.

waxa uu ka hadlay wareegto ay dhawaan soo saareen oo ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay wasaaradda waxbarashada dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo sida aaney ugu qanacsaneyn habka ay wax u socdaan:

“Ka wasaarad ahaan maalin dhaweyd waxaan soo saarnay document aan dhahaynno kuma qanacsanin sida ay wax ku waddo wasaaradda dhexe, waxaanan hakineynaa inta laga xallinayo howlaha nagala dhexeeya wasaaradda, markaa waxaan rajeynaynaa maadaama ay wali xaaladayadu iska raran tahay inaan dib iskaga arki doonno ka fariisan doonno ogaan doonno waxa keenay in la gacan bidixeeyo maamulgoboleedka Galmudug, waxaan rajeynaynaa maadaama ay arrintu tahay dan Soomaaliyeed iyo arday Soomaaliyeed inaan isku meel ku soo aruurin doono haddii Illaahay yiraahdo, minxadii iyo deeqaha waxbarasho ee yimaaddana si siman oo cidna aan loogu eexan inaan ka shaqeyn doono sidii wax loogu qeybsan lahaa”.

Wasiir Abshir waxa uu ka hadlay sida uu sida ay ardayda wax uula qabtaan iyo arday ay u heleen minxo gudaha ah oo hadda wata waxbarashadoodii:

“Sandkii hore jaamacadaha gudaha illaa 58 arday baan geynnay, dibaddana gaar ahaan adaydii sanadkii hore kaalmaha hore ku soo baxday inta badan waxaan u helnay deeqo waxbarasho oo dibadda ah, 10kii ugu sarreeyay Soomaaliyana Galmudug waxay ka heshay 4 boos, waxaan rajeynaynaa sanadkan sida ku talagalku uu yahay, inaan intii iyo in ka badan u diyaar garownno ardayda, si aan ugu dhiirigelinno sidii ay ugu kalsoonaan lahaayeen waxbarashada wasaaradda waxbarashada ay hormuudka ka tahay, waxaan diyaar u nahay inaan la qeybsanno ardayda wixii lasoo gudboonaada”.

Wasiir ku xigeenka waxaan wax ka weydiinnay sida ay u ilaalindoonaan cadaaldda deeqaha waxbarasho ee la filalyo iney hesho Galmudug waxaanuu ku jawaabay:

“Labadii sanno ee dowladda Galmudug ay qaadaysay imtixaanka noocaas oo kale ah ma jirto haba yaraatee wax lacag ah oo Galmudug ay dulsaaratay ardayda kala duwan ee galaysay, dhanka deeqanaha Galmudug sidii ay u kala buundo sarreysay ayaa ardayda loo kala diray, runtii waxa jiraa laablaab kale oo aan isleenahay xagga dowladda dhexe ayuu ka jiraa , lagama helin dowladda dhexe xuquuqdii ay Galmudug ku lahayd xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale intaba, jaamacadaha gudaha waan la fariisannay deeqo nagu filan baan ka helnay intii daneynaysay waanu ku dhiirigelinnay, waanan geynnay inta badan”.

Ugu dambey, 19 bishii May ayay ahayd markii docoment ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Galmudug ay ku sheegtay iney hakisay xiriirkii ay la lahayd wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen iney waddo sadbursi ay ugu xaglineyso maamulgoboleedyada qaar Galmudugna ay ku ganacan bidixaynayso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close