WacyigelinWararkaWaxbarashada

Canugii Yaraa ee Ka Adkaaday 8 Ka Mid ah Laacibiintii Ugu Fiicneyd Adduunka!

Samuel Reshevsky waxa uu mucjiso ka sameeyay ciyaarta Shadranjiga oo uu maalin kaliya ka adkaaday isgoo 8 jir ah 8-dii laacib ee adduunka ugu sarreysay ciyaartaa, arrintaas oo adduunka oo dhan la yaab ka noqotay.

Samuel Reshevsky, iyadoo da’diisu tahay Lix jir ayuu  bilaabay inuu wax ka barto oo uu la qabsado ciyaarta shadranjiga ee Chess-ka loo yaqaanno, aabihii oo aad u xiisan jiray islamarkaana ciyaari jiray, ayuu maalin ku yiri: “Ciyaartan qofka aadduunka ugu xariifsan ayaan noqonayaa”.

Aabihii ayaa ugu jawaabay, waayahay, waxaase lagaa rabaa inaad hadaf yeelato, adduunka ayaan ugu wanaagsanaanayaa kaliya kuguma filna.

Muddo Labo maalmood ah ayay ku qaadatay inuu fakaro, go’aankii ugu dambeeyay ee uu aabihii u geeyay waxa uu noqoday inuu rabo in uu ka adkaado 8  laacib ee adduunka ugu wanaagsan shadranjiga!, waxaanuu ku yir; “Dhamaantood waa ka adkaan doonaa! Waana riyadeyda nolosha.

Muddo Labo sanno ah ayuu si wacan u tababartay illaa uu ka gaaro da’dii 8 jirka, 12 December, 1920-kii hoolweyn oo ku yaalla Moscow caasimadda Ruushka ciyaar qaadatay muddo  muddo 11 saacadood ah ayuu kaga adkaaday  8 qof ee dunida ugu fiicnaa ciyaarta shadranjiga.

Si kasta oo wax kugu hor gudboonaadaan caqabadana ay kaaga horyimaaddaan, dhag jalaq ha u siin, hadafkaaga nolosha iyo riyadaada bartilmaameedso oo ka shaqee sidii aad ku tiigsan lahayd; waxaa hubaal ah inaad mar un tiigsaneyso Guusha.

Samuel Reshevsky

Maandeeq FM

Related Articles

Close