DugsiyadaiskuulladaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Qorituur Loo sameeyay 32 Iskuul oo ka Qeybgalaysa Tartan Aqooneedka Kadis ee Goobjoog Media Group

Goobjoog Media Group oo ay ka tirsan tahay idaacadda Maandeeq FM ayaa waxay qabaneysaa tartan aqooneed lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Munaasabad loo sameeyay qori tuurka tartanka oo la qabtay Axaddii shalay ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamullada dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU oo barnaamijka taabo gelinaysay, iyo Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantooba oo isna goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group, Xassan Maxamed Maxamuud oo sheegay in tartankani uu yahay mid dhammaan ardayda gobolka Banaadir ay ku kala faa’ideysan doonaan, sidoo kale waxa uu sheegay in tartankani uu yahay mid loogu talogalay is dhexgalka ardayda:

“Waxaad noqoteen dad ku tartama waxa wanaagsan, waxaa jira kuwo badan oo doonaya inay ku tartamaan waxyaabaha aan wanaagsaneyn, Goobjoog dhaqamadeeda waxaa ka mida inay qabato tartamada mana ahan kii ugu horreeyay oo ay qabanayso “, ayuu yiri agaasime Xasan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isna ka hadlay goobta ka ballanqaaday in Iskuullada ku soo baxa tartanka kaalimaha hore ay abaalmarinno siin doonaan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan ugu horreyn salaamayaa macallimiinta iyo aradayda ka soo shaqeeyay barnaamijkaan quruxda badan aad ayaan ugu faraxsanahay inay noqoto Jaamacadii koowaad oo aan booqdo SIU waxaan bogaadinayaa bahda waxbarashada waxaana muhiimadda koowaad siin doonaa waxbarashada”.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb gali doono 32 Iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir waxaana taabo galinaya Jaamacadda SIU iyadoo warbaahinta Goobjoog Media Group ay tabin doonto .

Haddaba hoos ka akhriso jadwalka tartanka iyo isku aadka dugsiyada.

Is aragga koobaad ee Tartanka

GA. Cilmi College iyo Al-imaamu muzamil Isniinta1
GB. Kulmis iyo Al qalam Isniinta2.
GC. Al-nashaad iyo Al- qaliil Talaado 1.
GD.Carafaad iyo Jowhar Talaado2.
GE. Golobl iyo Iftiin Arbaco 1.
GF.Soyaal iyo galobal arjantiin Arbaco 2.
GG. Kulmiye iyo Tayo Khamiis 1.
GH. Sh. Daa,uud iyo Daruraxmaan Khamiis2.
GI. Rajab iyo Al-ma’aarib Jimacah 1.
Gj. Al-ixsan iyo Jabir binuxayaat jamcaha2.
Gk. Atlantic iyo Somaliya Sabtiga1.
Gl. Halane iyo Horyaal Sabtiga 2.
Gm. Horseed iyo Imaamu maalik Axad 1.
GN. Golis iyo Al- njax Axad2.
Gd. Sidii iyo Saciid binu cumar Isniin 1.
Gp. Shi Cabdul xafiid iyo Al-kowsar Isniin2.

agaasime xasan cantoobo IMG_5537 ka qeybglayaal xasan

Maandeeq FM

Related Articles

Close