CaafimaadkaWararka

Soon Caafimaad, Cunnooyin ay Muhiim Tahay Inaan Laga Waayin Miiska Afurka

Bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan qofka Sooman waxaa lagula talinayaa inuu qaato raashin caafimaad oo u suurtogalinya inuu jirku dib u soo ceshado wixii ka lumay ee nafaqo ah iyo inuu qofku ka cuntooyinka aan nacfi lahayn ee dhibaatooyinka caafimaad wata.

Hadaba, si qofka Sooman u helo nacfi wanaagsan xilliga afarka waxaan idinku soo gudbineynaa cuntooyin ay muhiim tahay in laga helo miiska afaruka:

1 –  Khudaar: khudaarta waxaa laga helaa biyo farabadan sida Ansalaatada iyo bagalka, kuwaas oo uu jirku ka helo dareerihii uu lu miyay maalinta Soonka.

2 – Mishaari: mishaaridu waxay u badan tahay dareere uu jirku u baahan yahay, calooshana waxay u diyaarisaa raashinka culus, waxaana lagu tiriyaa iney ka mid tahay cunnooyinka u sahlan dheefshiidka.

3 – Timirta: timirtu waxay jirka siisaa tamartii uu u baahnaa inta uu qofku Sooman yahay, sidaas oo kale waxay caawisaa dheecaamada ensaymes-ka dheefshiidku u baahan yahay si uu ugu diyaargaroobo cuntada ku soo foolleh.

4 – Caanaha: caanaha waxaa laga helaa calcium iyo borotiinno, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay cunnooyinka ka hortagga ah oo ay ku jiraan bakteeriyda faa’iidada u leh caloosha iyo habdhiska dheefshiidka.

5 –  Khudaarta Fruits-ka : Fruits-ku waxay  jirka siiyay tamartii uu u baahnaa gaar ahaan Qaraha, Cananaaska,  liinbalbeelada, Cambaha, Babaayga, …IWM.

Intaa waxaa kuu sii raaca in lagaaga baahan yahay inaad cabto biyo kugu filan, si jirku uu dib ugu helo dareerihii uu isticmaalay xilliga maalinta Soonka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close