WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Mahadnaq Ballaaran Usoo Jeedisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ammaan ballaaran u soo jeedisay ciidanka Booliska kaalintoodii ay ka qaateen ilaalinta amniga imtixaankii Midaysnaa ee ka qabsoomay intabadan gobollada dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Boolisku uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray ilaalinta amniga goobaha imtixaanka dugsiyada sare ee 77 xarumood ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

Munaasabad mahadcelin ah oo si wanaagsan loo soo agaasimayay ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdixakiim Daahir Siciid, waana sidaan kasoo xigganay wakaaladda wararka ee Sonna.

Si kasta, Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxaa la soo gabagabeeyay Imtixaanka midaysan ee dowaldda Federaalka Soomaaliya ay soo qabanqaabisay kaas oo ay u fariisteen 23,000 oo arday oo ka kala socda intabadan gobollada dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo iskooda u qabsanayay Imtixaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close