JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Imtixaankii Gabagabada Sanad Jaamacadeedka 2016/2017 oo Ka Bilaabanaya Qaar ka Mid ah Jamaacadaha Dalka

Imtixaankii sanad Jaamacadeedka 2016/2017 ayaa la filayaa inuu ka bilowdo qaar ka mid ah jaamacadahada Dalka bisha Juun ee foodda nagu soo haysa.

C/Kariin Adan Xuseen Fagaase oo ah Guddoomiyaha jamaacadda Himillo oo wareysi gaar ah siiyay Maandeeq Fm ayaa noo sheegay iney dhawaan bilaabayaan imtixaankii kamadambeysta ee sanad jaamacadeedka 2016/2017.

Cabdikariim Adan Xuseen ayaa ugu horreyn ka hadlay iney howshooda jamaacadda sida ay ugu socoto iyo diyaargarowga ardayda ee dhanka Imitxaanka, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Marka hore waxaan u mahadcelinaayaa idaacadda Maandeeq baarnaamijyada qiimaha badan ee ay dadka u soo daayaan ee ay xoogga ku saaraan waxbarashada. Jaamacadda Himilo howsheedii caadiga ahayd ayay iskaga gudo jirtaa howshii ardayda iyo wax baristooda, waxaan hadda nagu soo foolleh ardayduna guud ahaan ay u diyaar garoobaayaan bilaabashadii imtixaankii Final Semester-ka sanad jaamacadeedka 2016/2017, waxay u diyaargaroobayaan sidii natiijo wax ku ool ah uga keeni lahaayeen imtixaanaadkii, waxaa socda wax akhrintooda waxaa socda is kooxaysigooda, siguud barnaamijyadii jaamacadda si taabogal iyo horu socod leh ayay noogu socotaa”.

Maamulaha waxa uu sheegay in jaamacadooda ay ku qabteen barnaamijyo wacyigelin ah oo ay u sameeynayeen illaa 625  arday oo loo tababarayay sidii ay u dooran lahaayeen kulliyadda ku habboon mustaqbalkooda, waxa uuna tilmaamay imtixaanaadka ka dib iney u diyaargaroobeen 5000-6000 oo arday in hoolka jaamacadda loogu qabto tabarro noocaas oo kale ardaydii daneynaysa ay gacma furan ku soo dhaweynayaan.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Imtixaanka uu bilaabanayo 7 bisha Juun ee nagu soo foolleh,isla markaana uu ku egyahay isla 20 bisha Juun.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii uu soo gabagaboobay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka oo ay ka qeybgaleen illaa 23,000 oo arday, waa sida ay sheegtay waasaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hadda la filayaa uu dhaco imtixaanka Finalka ee sanad jaamacadeedka 2016/2017.

Maandeeq FM

Related Articles

Close