Wararka

Labo Macallin oo Ardayad Kasoo Tuuray Dabaqa Saddexaad, Sababtuna Waa Mid Aadan Maleysan Karin

Labo mucallin oo ka tirasanaa iskuulka ku yaalla gobolka “Punjab” ee bariga dalka Pakistan ayaa ardayad kasoo tuuray dabaqa 3aad ee dhismaha iskuul ay wax ka baraysay kadib markii ay diidday iney nadiifiso fasalka ay wax ka baraneysay, arrintan ayaa keentay in dhawaac daran uu soo gaaro ardaydda.

Jariida la yiraahdo Dawn ee kasoo baxda dalka Pakistan ayaa Isniintii sheegtay in labada macallin oo xukuumadda u shaqeeyaa ay ka howlgalaan iskuul ku yaalla gobolka Shahdara ee magaalada Lahore ayaa hadda waxay ku eedaysan yihiin isku day dil oo loo haysto.

Jariidada ayaa xustay in ardaydda oo magaceeda la yiraahdo Fajri Nuur da’deeduna ay tahay 14 sano jir ay hadda u dhaxayso geeri iyo nolol, waxaana soo gaaray dhaawac cusul oo waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla Lahore.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in ardaydda uu soo gaaray dhaawac jabniin ah oo meelo kala duwan oo jirka ah iyadoo la tilmaamayo in lafdhabartu ay wax noqotay.

Dhinaca kale, waalidiinta dhalay Fajari Nuur ayaa illaa hadda u qaadan la’ sida ay canugtooda wax u soo gaareen, waxayna sheegeen iney la yaaban yihiin in macallimiin ay u dhaqmaan qaabkaa bani’aadamnimada ka baxsan.

Arrinta ayaa naxdin ku noqotay bahda waxbarashada dalka Pakistan oo arrintani ku noqotay fajaciso iyadoo aan la ogeyn waxa ku kallifay macallimiinta iney ciqaabtaa xoogga leh mariyaan ardayad 14 sano jir ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close