arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

5 Istiraajiyadood oo Ay Habboon Tahay Inaad Si Wanaagsan U Taqaanno Si Aad Uga Badbaaddo Dhagarta Saaxiibada ee Dhanka Shaqada

Xiriirka goobta shaqda waxay ku xiran tahay kolba awoodda aad haysato, xilliyada qaar waxaa dhici karta in madaxdaadu ay isku dayaan in shaqadaada la gacan bidixeeyo oo waxqabadkaaga meel cidle ah laga soo qaado, in badan oo inaga mid ah waxaa saameysa siyaasadaha shaqada, saddex meeloood shaqaalaha waxay ka caajisaan iney shaqada tagaan sababo la xiriira dhibaato ay kala kulmaan saaxiibadood, qiimeynta la sameeyay ayaa sheegaysa in saddex ka mid ah 4 tii shaqaale ah mas’uulka ka sarreeya waxay u arkaan inuu yahay qofka cadaadiska ugu badan ay kala kulmaan,  waana sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday jariidada The Guardian ee dalka Ingiriiska.

Marar badna shaqaalaha saaxiibadaa ah waxay kuu noqon karaan garab fiican iyo fursad ku taageeraysa si aad uga fogaato dhibaatooyinka hordhacna u noqon kara iney shaqo fiican soo baxdo, laakiin ogow mararka qaar wakhiga ayaa kugu noqon kara caqabad kale oo kaa horistaaga arrimo muhiim ah oo aad qabsan lahayd.

Hadaba haddii aad la howlgaleyso saaxiibbo dhagar badan oo dhanka shaqada ah sideed arrintaa ula dhaqmeysaa?

1 – Saaxiibbo Sameyso

Si loo hagaajiyo goobta shaqada ee ay joogaan shaqaalaha dhagarta badan waxaa muhiim ah inaad sameysato saaxiibbo, ogow in dhibaatadu ay ka socoto meel qura oo aaney dadka oo dhani wada wadin, qofka makriga iyo shirqoolka wada dhibaatadiisa saaxiibadaa la wadaag, ishaa qabaneysa ugu dambeyn isagaa bannaanka ku soo dhacaya dadka oo dhanina ay wada ogaanayaan.

2 – Shaqadaada Wanaaji

Markii aad dhagarro kala kulanto saaxiibadaa amaba waxqabadkaaga ay iyagu sheeganayaan, ugu horreyn waxaa muhiim ah inaadan ka aargoosan.

Maamulaha caanka ah ee Ray Williams waxa uu leeyahay “Waxaa dhici karta inaad isku daydo fadeexaynta saaxiibka amaba maamulahaaga shaqada, arrinkaasi xumaan mooyaane wanaag kama dhaxleysid”.

Waxaa muhiim ah inaad intaa ka caqlibadnaatid, “Shaqadaada si fiican uga soo bax, madaxdaada iyo kuwa ka sarreeyaba gaarsii shaqooyinka fiican ee aad qabato”, ayuu leeyahay Williams, arrinkaa haddii aad sameyso sumcaddaada way wanaagsanaaneysaa shaqada aad qabatana cidkale ma sheegan karto, haddii akhlaaqdaada shaki laga muujiyana waxaad  waxsoosaarkaaga iyo shaqadaada wanaaji.

3 – Ha Udhaqmin Sidooda oo Kale

Marka ay isku dayaan saaxiibadaa iney ku daciifiyaan amaba iney kaa bixiyaan aragtiyo khaldan, naftaadu waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad ka aargoosato, arrintaas haddii aad ku kacdo waxay dhalin kartaa natiijooyin aan wanaagsaneyn; waxaad noqoneysaa qof xun, arrintaa aad ku kacdayna habdhaqanka shaqaalihii xumaa waxba kama bedelayso. Intii aad ka aargoosan lahayd waydii  sababta ku kallifaysa iney ku dhibaateeyaan.

4 – Isbedel Gudaha ah Samee

Williams  waxa uu leeyahay sida ugu fiican ee isbedel  dhanka shaqda ah aad u sameynkarto waa inaad ku ammaanto shaqaalaha kale ee saaxiibadaa ah shaqooyinka fiican ee ay qabtaan, shaqda wadajirka ah aad udhiirigeli saaxiibadaa garab siiyo xilliga ay kaaga baahan yihiin. Marka aad dadaal ku bixiso inaad wax ka bedesho jawiga shaqada si togan aad u bedesho waxaad abuuri karta deegaan wanaagsan oo dadka oo dhani ay ku mahdiyaan.

5 – Goonni u Joogso

Dadka qaar haddii ay u arkaan dadaalka la bixinayo ee isku dayga wax ka bedelka jawiga shaqada iney tahay arrin adag amaba  aad isku daydo talooyinkaa kor ku xusan oo wali xaaladdii ay taagan tahay, waxaa la sameyn karaa arrin kale oo ah : inaad goonni u shaqeyso oo aad si fiican howlahaaga uga soo baxdo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close