arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Adduunka Ma Kali baan Ku Nahay… Jawaabta Su’aashaas oo La Filan Karo Sanadka 2024

Madaxweynaha dalka Chile, Michelle Bachelet ayaa xarigga ka jartay mashuur lagu ddagax dhigay Telescope-ka ugu weyn dunida ee lagu la soconayo hawada sare.

Telescope-kan ayaa loogu magacdaray “The World’s largest optical and infrared telescope”, madaxweynaha Bachelet ayaa tiri; “Ma aha Telescope oo kaliya, waxa uu caddeynta ugu weyn u yahay waxtarka Cilmiga iyo Tiknoloojiyadda iyo iskaashiga dowladaha dunida”, booska laga dhisayo Telescope-kan ayaa la xulay sanadkii 2010, waxaana la filayaa inuu mashruucani soo afjarmo sanadka 2024-ka.

Mashruucan ayaa waxaa ka qeyb ah 13 dal oo Yurub ah iyo dalalka Brazil iyo Chile, macluumaadka laga helayo Telescope-ka “ESO” ee Yurubta koonfureed oo ah dhinaca maalgalineysa mashruucan ayaa laga soo xirtay in  badka wareegga  Telescope-ka cusub uu u dhigmo garoon kubadda cagta ah oo kale, culeyskiisana uu gaarayo 3 kun oo tan, heerka baddana uu ka sarreeyo illaa 3km, kharashaadka ku baxayaa waxay ku dhawyihiin illaa 1.5 bilyan oo Euro.

Telescope-kan ayaa shaqadiisu ugu muhiimsan ay  tahay in lagu ogaado nolosha ka jirta meerayaasha ka baxsan nidaamka qoraxdeena ee aan naqaanno. Waa mid ka hor marsan 16 jeer Telescope-ka ugu hormarsan adduunka xilligan ee  “Hubble” oo ay leedahay wakaaladda cirbixyeennada Mareykanka ee NASA.

In muddo ah Telescope-yada laga sameeyay Yurub iyo meelo kala oo dunida ah waxaa loo sameeyay isku day ah  in laga jawaabo dunidan aan joogno ma kiligeen baa ku nahay mise noole kale ayaa ku nool?

Jaamcadda caanka ah ee Oxford ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa mashruucan, waxayna soo bandhigtay jaamacaddu qalab casri ah oo magaciisa yahay “Harmony”, kaas oo awood u leh inuu 4000 sawir markaliya uu ka qaado iyadoo midabaddu ay xoogaa kala gadisan yihiin, ula jeedada ayaa ah in kormeerka Telescope-ku uu sidii la rabay uu noqdo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close