JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Daahrog Cusub: Taariikh Layaab leh oo Laga Helay Dalka Peru

Seynisyahanno u dhashay dalka Mareykanka ayaa arkay lama filaan kadib markii daahrog cusub ay ka heleen dalka Peru, daahroggan ayaa xaqiijinaya in aadanuhu ay ku noolaayeen agagaarka Dooxada Checamh ee caanka ah 15 kun oo sano ka hor.

Saynisyahannada ayaa horey u aaminsanaa in adduunka cusub ay tahay meeshii ugu dambeysay ee aadanuhu uu ka dago dhulka. Saynisyahannada Paleontology-ga waxay rumeysnaayeen in Indians-ku amaba kooxa kale oo ka mid ah aadanihii Crow-gu ay 15-17 kun oo sanno ka hor ay ka socdaaleen Siberia iyagoo u guuray oo dhanka bari ee Mareykanka casriga ah iyagoo ka gudbay god ku yallay marinta Bering.

Cilmibaare ka tirsan jaamcadda Atlantic ee Florida ee dalka Mareykanka oo la yiraahdo Jamed Odovacio oo ay la socdeen saaxiibadii ayaa helay caddeyn ah in aadanuhu ay degi jireen Konfurta Mareykanka iyo dunidan casriga ah xilliyadii horey loo aaminsanaa wakhti aad uga fog. Saynisyahannadan ayaa helay raadka deegaannadii hore ee aadanaha oo cimrigeeda lagu qiyaasay 5-8 kun oo sano, waxayna ka heleen meel u dhaw xeebta badweynta Pacific una dhawo dooxada Checamh oo ah meeshii ay ka aasaasan tahay silsiladaha Ahraamyada Peru ee xilliyadii hore.

Saynisyahannada ayaa godod ay qodeen  waxay ka heleen tiro ka mid ah qalabkii ay dadkii hore isticmaali jireen iyo haraadiga nudaha  qasabka, arrinkaas oo qaarkood ay kala soo dhexbaxeen fahamka ah iney gacantooda soo gashay mid ka mid ah haraadiga taariikhdii hore ee aadanaha.

Saynisyahannadan ayaa caddeeyay in aragtida ay ka qaateen qiyaasta saamiga isotopes radioactive ee qasabka ay uga soo baxday arrin waxyaabihii ay filayeen ka sarreysa oo ah in intabadan waxyaabihii haraadiga ahaa ee ay heleen da’deedu u dhaxaysay 8 kun oo sanno illaa 15 kun oo sano.

Culumadan ayaa sheegay iney jirto fududaysi  la fududaystay raadraaca taariikhdii hore ee aadanaha, waxayna soo saareen in dadkii daganaa Checamh 15 sano ka hor ay yaqaneen sida ay weelkooda u sameystaan iyagoo kalluunkana ku soo daban jiray maqaalin laga sameeyay lafaha xoolaha, waxayna beerteen Avvocado, digir, basbaaska iyo bocorka.

Saynisyahnnadan ayaa laakiin waxaa hortaalla su’aal adag oo aaney ka jawaabi karin oo ah sida ay ku bilaabatay ilbaxnimada ay raadkeedii wax ka heleen? Laakiin dadkii darasaddan wax ka qoray waxay ka hadleen oo kaliya in dadkii ay ka soo farcameen reer Peru ay koonfurta Mareykanka soo dageen iyagoo soo maray xilliyadii socdaalkooda dhanka badweynta Pacific.

Peru 1 Peru

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Close