arrimaha bulshadaJaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dalagyo Nooc Cusub ah oo Ay Tijaabiyeen Ardayda Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Zamzam oo Abuurkooda Loo Qeybiyay Beeraaleyda Gobolka Shabeelaha Hoose

Dalagyo nooc cusub ah oo ay tijaabiyeen ardayda kulliyadda beeraha ee jaamacadda Zamzam ayaa abuurkooda loo qeybiyay beeraaley ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mirahan cusub ee ay jaamacaddu tijaabisay isla markaan la ogaaday iney dalka ka bixi karaan ayaa waxaa ka mid ah Zaytuunka nooc cusub ah oo waaweyn, dhirta laga sameeyo caleenta shaaha, nooc ka mid ah qaraha oo midab iyo ballacba ka duwan kan dalkeenna ka baxa, Nooc cusub oo Galley ah iyo Yaanyo nooc cusub ah.

Madaxa kulliyadda Beeraha ee jaamacadda Zamzam Axmed Shire Cali ayaa ka hadlay in jaamacaddu ay leedahay beer illaa 2 Hiktar ah oo ay ardaydu wax ku bartaan, dalagyadan cusubna ay tijaabiyeen muddo Lixbilood ah oo ay ogaadeen in dalka lagu beeri karo:

“Waxaan beertan ugu talogalnay ardayda kuliyadan iney wax ku bartaan, faa’iidada ka soo baxda aqoontoodana ay la wadaagan beeralayda Soomaaliyeed oo qaarkood ay dalagyadan tijaabiyeen, waxaan leennahay dhul hodan ah wax kastana lagu beeri karo, laakin caqabadda jirta waxay tahay aqoon durugsan oo aanan u lahayn sida beeraha loo tayeeyo ama cudurrada looga hortago, qayb ahaan annagu waan kala shaqaynnaa beeraleyda arintaas, tijaabadadanna waxay beeraha Soomaaliya ku soo kordhin doontaa waxbadan oo ay ugu horreyso inaan gaarno in dalagyo waaagsan oo tayo iyo caafimaad qaba aan soo saarno.”ayuu yiri Por. Axmed Shire Cali.

Inkasta oo ay jiraan caqabado ku aaddan dhanka cimillada uu u baahan yahay abuurka cusub oo ku aaddan dhanka qorraxda ayaa waxaa jira xal loo heli karo haddii la raaco tilmaamaha iyo talooyinka aqoonyahannada ku takhasusay cilmiba beeraha.

Dhanka kale, guddoomiyaha iskaashatooyinka Beeraaleyda gobolka Shabeellaha Hoose Xasan Malaaq Xuseen oo aan tijaabadan cusub wax ka weydiinnay ayaa yiri: “Wax wanaagsan bay ahayd in ardayda ay tijaabadan sameeyaan, dalku wuxuu baahi badan u qabaa in la maalgeliyo iyo in beeraha lagu soo kordhiyo dalagyo cusub, beeraaleyda haddaan nahay waan aragnay tijaabadaas mirahana waa mid waddanka lagu beeri karo, boqolkiiba boqol. Haddaan nahay beeraaleyda qudaarta aad baan ugu baahannahay waxaan ka soo bixi kartin waddanka majiro”.

Cabdiladiif Xuseen Samatar oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Zamzam ayaa waxa uu ka warramay saameynta togan ee ay ku yeelatay waxbarashada beeraha noloshooda:

“Ka hor beertan waxaan inteenna badan waxba kama aynaan fahamsaneyn beerta shaqadeeda marka laga hadlayo in gacanta loola tago, taas oo ay farqi weyn u dhaxeeyaan marka aad fasalka ku qaadaneyso casharka iyo marka aad gacanta la gasho beerta, hadda oo aan fursadaas helnay waxaan si wanaagsan u abuuri karnaa beerta, sidoo kale waan ka daaweyn karnaa marka beertu uu galo bahal taas oo aan ku gaarnay shaqadan oo aan gacanta ka qabannay”.

Si kastaba, dalkeenna oo leh dhulbeereed aad u ballaaran ayaa horey waxaa loogu beeraya illaa 1,476,213 oo ah abuur ku habboon inuu dalka ka baxo, waana sida ay sheegayaan tirakoobyadii ay sameysay wasaaraddii beeraha ee xilligii dowladdii Siyaad Barre, dhul beereedkeenna waxaa laga faa’ideystaa dhul aad u yar oo qura, waxa uuna dalku u baahan yahay abuur cusub iyo kacdoon dhanka beeraha ah oo dadka lagu jiheeyo.

beeraha2 beeraha1 beeraha

Maandeeq FM

Related Articles

Close