JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Jaacamadda Brussels ee Dalka Belgium oo Fadeexad Lugta La gashay Kadib Markii Arday Ay Ku Amreen Arrin Layaab leh

Jaamacadda Brussels ee dalka Belgium ayaa fadeexad lugta la gashay kadib markii e-mail ay u direen ardayda kulliyadda caafimaadka sanadkan ka qalinjabineysa ay ku sheegayaan in gabdhuhu ay soo xirtaan cambuur laabtu ay qaawan tahay.

Sida ay qortay jariida The Gadian Kulliyadda caafimaadka ee jaamacaddan  laga leeyahay dalka Belgium ayaa ka codsatay ardayda gabdhaha ah ee kuliyaddaasi iney soo qaataan saakooyin laabtu ay qaawan tahay xilliga xafladda qalinjabinta.

Warqadda ardayda loo diray ayaa u qorneyd sidan: “Annagoo dhinaca quruxda wax ka eegayna, waxaa aad noo cajabineysa iney gabdhuhu soo qaataan cambuur qoor furkiisu uu dabacsan yahay”, iyadoo intaa lagu daray in raggu ay soo qaadan karaan Suudh.

Farriinta ardayada ayaa si weyn loo qaadaa dhigay guud ahaan dalka Belgium kadib markii lagu qoray jariidada UlB Confessions oo dhanka Facebook si weyn ugu baahisay warka.

Markii caradu ay ku korortay jaamacadda wargeysyadii ugu akhriska badnaana ay arrintaa qaadaa dhigeen, ayaa jaamacaddu waxay soo saartay cudurdaar dhanka Facebook iyo Twitter-ka ah oo ay jaamacaddu dib uga noqoneyso arrinkii ay ku kacday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close