arrimaha bulshadaWararka

Midowga Yurub oo Adeegga Internetka oo Lacag La’aan ah Ka Hirgelinaya 8 Kun oo Tuulo iyo Magaalooyin Yaryar ah

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay iney gaareen heshiis siyaasadeed oo rasmi ah kaas oo ah qorshe la magacbaxay WiFiEU oo Internet bilaasha ah  looga hirgelinayo magaalooyinka yaryar iyo tuulooyinka Midawga Yurub.

Kulan dhexmaray baarlamaanka iyo golaha midowga Yurub oo ka dhacay caasimada Belgium ee Brussels ayaa la isku afgartay fulinta mashruucan oo  daraasaddiisu soo bilaabatay sanadkii hore, 8 kun oo magaalooyin yaryar ah  iyo tuulooyin ayaa adeegga Internet-ka oo lacag la’aan ah looga hirgelinayaa, waxaana loo qoondeeyay miisaaniyad gaaraysa illaa 134 milyan oo Euro.

Madaxweynaha Guddiga Reer Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2020 tuulo kasta oo Yurub ah ay yeelan doonto adeeg internet oo lacag la’aan ah.

Mashruucan ayaa ah mid Yurub oo dhan lagu siinayo adeegga Internetka tuulo kasta iyo magaalo kastana lagu siinayo adeegga oo lacag la’aan ah, iyadoo ay jiraan baqdin laga muujinayo in adeegga bilaashka ah si khaldan loo adeegsado, waxyaabo qaanuunka khilaafsanna lagu fuliyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close