WararkaWaxbarashada

NASA oo Qorsheyneysa Howlgal Taariikhi ah oo Loogu Dhawaanayo Qorraxda

Wakaaladda ciribixiyeennada Mareykanka ee NASA ayaa ku dhawaaqday in ay galayaan howlgal cusub oo aan horey loo sameyn, kaas oo si aad ah loogu dhawaanayo dusheeda sare ee Qorraxda.

Howlgalka oo la magac baxay “Parker Solar Probe” ayaa ah isku daygii ugu horreeyay oo ay NASA ugu dhawaaneyso Qorraxda dusheeda sare.

Howlgalkan sida aadka ah loogu dhawaanayo qorraxda ayaa ulajeedkiisu yahay in la helo caddeymo ku aaddan jawiga sare ee qorraxda iyo saameynta uu ku leeyahay isbedbedalka cimillada dunida iyo nolosha ciribixiyeennada, iyadoo la sheegay in howlgalkani uu bilaabandoono 2018.

NASA ayaa faahfaahin ka bixisay in dayaxgacmeedka howlgalkan fulinayaa uu Qorraxda ka fogaan doon illaa 4 milyan oo mayl, laakiin “Uu noqonayo mid u adkeysi badan shucaaca qorraxda iyo kuleykeeda si ka duwan dayax gacmeedyada kale ee adduunka “.

Dayaxgacmeedkan ayaa laga filayaa inuu waxyaabo cusub kasoo kordhiyo dusha sare ee qorraxda iyo inuu si gaar ah uga jawaabo su’aalo muddo qarniyo ah ay is weydiinayeen oo ah Physics-ka ay ku shaqeeyaan Xidigaha, waana sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay NASA isbuucii hore.

Maandeeq FM

Related Articles

Close