arrimaha bulshadaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Aaladaha oo Noqon Doona Dhakhaatiir Qalliin, Allifina Doona Buugaagta Ugu Akhriska Badan Dunida Sanadka 2049!

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in maskaxda gacan ku sameyska ah ee smart-ka  ay awoodi doonto 50 sano gudahood iney qabato dhamaan shaqooyinka bani’aadamku uu qabto oo dhan.

Cilmibaarayaasha daraasaddan sameeyay ayay u caddaatay in Tobanka sanno ee soo aaddan aaladuhu ay ka sarreyn doonaan aadanaha dhinacyada Tarjumaadda luqadaha, kaxayna gawaarida iyo qorista buugaagta ugu iibsiga badan adduunka marka la gaaro 2049.

Cilmibaaristan cusub ayaa waxaa iska kaashaday cilmibaaryaal ka tirsan mac’hadkan mustaqbalka aadanaha ee jaamacadda Oxford, jaamacadda Yale iyo Ururka “Al Impacts”, waxay su’aalo weydiiyeen 352 ka tirsan khubarada aaladaha waxbarta, kuwaas oo ka hadlay odorosyadooda horumarka laga sameyn karo dhinaca maskaxda smart-ka ah tobonaanka sanno ee soo aaddan.

Khubarada ayaa wax laga weydiiyay awoodaha iyo mihnadaha sida gaarka ah ay aaladuhu kaga fiicnaan doonaan aadanaha, waxayna sheegeen in dhammaan shaqooyinka oo dhan ay kaga fiicnaan doonaan.

Aaladaha ayaa aadanaha kaga horreyn doona dhinacyada tarjumaadda luqadaha marka la gaaro sanadka 2024, waxaana loo qaadan doonaan macallinimo dugsiyada sare marka la gaaro 2026, baabuurta ayay wadi doonaan marka la gaaro 2027, waxay ka shaqeyn doonaan bagaashka marka la gaaro 2031.

Sandka 2049 aaladaha waxaa u suurtogaleysa iney alifaan buugaagta dunida ugu iibsiga badan, sanadkan 2053 waxay noqon doonaan dhakhaatiir dhanka qalliinka ah.

Sida cilmibaarayaashu ay tilmaameen fursadda ah in aaladuhu ka sare maraan aadanaha waxay tahay 50%, waxayna sheegeen in 120 sano ka dib ay aaladuhu la wareegi doonaan dhammaan shaqooyinka aadanaha oo dhan.

Khawaarismiyada AlphaGo ee shirkadda Google ayaa dhawaan ka adkaatay horyaalka aadduunka ee ciyaarta “Go” saddex jeer oo isku xigta, iyadoo taasina ay keentay in nidaamka oo dhan shaqada laga joojiyay, kadib markii la waayay qof aadane ah oo ka adkaada, iyadoo ciyaartani ay ka mid tahay ciyaaraha ugu istiraatiijisan fakar aad u badanna u baahan.

Haddii aaladuhu ay la wareegeen shaqooyinka aadnaha ayaa la leeyahay khatar badan ma laha, maxaayeelay in aadanuhu uu ku dabar go’ oo uu sababsado gacanta aaladaha waa arrin aan baqdin farabadan laga qabin maadma arrinkaa la filan karo 5% oo kaliya.

 Maandeeq FM

Related Articles

Close