WararkaWaxbarashada

Arday Keenay Fikrad Wax Ka Bedelaysa Barashada Cilmiga Statistics-ka ee Adduunka oo Dhan

Arday la yiraahdo Daniel Kunin oo ka tirsan jaamacadda Brown ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu sameeyay Website si fiican u sharraxaya aragtiyada cilmiga tirakoobka si la falgalaysa nolosha laguna kala dhigdhigayo fikrahada aasaasiga ah ee cilmiga tirakoobka.

Bilowgii hore ee fikradda ayaa ku dhalatay sanadkii hore ee jaamacadda kadib markii loo dhigay cilmiga Statistics, muhiimad dheeraad ahna uu siiyay Daniel oo si fiican u jeclaaday maadada, markaas ayuu bilaabay fulinta mashruuca website-ka “Seein Theory“, kaas oo aragtiyada si muuqaal ah u soo bandhigaya si ay dadku u fahmaan xisaabta la falgaleysa nolosha si ka wanaagsan sidii hore.

Website-ka ayaa isla markii la aasaasay booqashadiisu ay gaartay meeshii ugu sarreysay illaa 1,000,000 waxaana isla markiiba soo gaaray dalabyo ah  inuu tarjumo website-ka luqadaha Chinese, Spanish, Hungarian, Norway iyo Talyaani.

Daniel ayaa rajeynaya in iskuulaadka iyo macallimiintu ay raacaan wadadiisan cusub marka la baranayo cilmiga Statistics-ka, waxaanuu qorsheynayaa inuu dhameystiro xilli dhow duruus dheeraad ah oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda dugsiyada sare iyo kuwa jaamcadaha iyo waliba cidkasta oo daneynaysa cilmiga tirakoobyada “Statistics” guud ahaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close