CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Shuban Biyood Si Xoog leh Ugu Faafay Burco oo Keenay In Albaadada Loo Laabo Goobihii Waxbarashada

Shuban biyood si xoog leh ugu faafaya magaalada Burco ayaa keenay in albaabada la iskugu laabo goobihii waxbarasho ee magaalada isla markaana la mamnuuco goobaha ay dadku iskugu yimaaddaan.

Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ee uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka oo ku faafaya magaalada Burco kaas oo dad badani ay u jiifaan isbitaallada magaalada.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagle-toosiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda uu cudurkan soo ritey dad gaaraya 3,600 (Saddex Kun iyo Lix Boqol) oo ruux.

Waxaa magaalada Burco ka soconaya dedaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu daweeyo dadka cudurka la ildaran, sidoo kalena looga hortagayo in  dad kale oo hor leh uu cudurku soo rito.

Wariye C/Maalik Muuse Coldoon oo u warramay Goobjoog oo ay bahwaad yihiin Maandeeq FM, isaga oo ku sugan Burco ayaa sheegay in waxyaabaha hadda loo sababeynayo cudurkani uu yahay xagga Nadaafadda oo aad u liidato.

Magaalada oo dhan ayuu sheegay inuu saameeyey cudurkan, isla markaana bulshadu hadal hayso sida uu magaalada Burco u saameeyay cudurka shuban biyoodka.

Waxaa fasax ah guud ahaan xarumaha waxbarashada ee Burco, waxaana sidoo kale la mamnuucay in dad badan ay meel isugu yimaaddaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close