WararkaWaxbarashada

Wasarada Waxbarashada Galmudug Oo Ka Tacsiyayneysa Guddoonka Waxbarashada Gobolka Galguduud oo Lagu Aasay Magaalada Caabudwaaq

 Khamiistii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu aasay gudoomiyihii guddoonka waxbarashada ee gobolka Galgaduud kadib markii uu si kadis ah xanuun ugu soo booday.

Guddoomiyaha geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Colaad Faarax waxaana uu muddo 2 sano ah hayay xilka guddoomiyaha guddoonka waxbarashada ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada  Galmudug Abshir Cabdi shiikhoow oo aan geeridan ka wareysannay ayaa ka hadlayay sababta geerida, tacsina u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum C/llaahi Colaad:

“Guddoonkii waxbarashada ee gobolka Galguduud oo si kadis ah ay ula soo gudboonaatay aaladdan, majirn xanuun hore oo aan dareemaynnay inuu marxuumka lasoo darsay laakiin  si kadis ah ayay geeridaasi ku soo gaartay, waxaan rajeynaynaa inuu Illaahay samir iyo iimaan ka siiyo ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, rabina uu jannadii Fardowsa uu geeyo inshaa Allaah”.

Wasiirku xigeenka ayaa  Marxuum Cabdullaahi ku tilmaamay inuu ahaa  xubni muhiim ah oo wasaaraddooda ka baxday:

“Muddo Labo sano ah ayuu guddoon waxbarasho ka ahaa gobolka Galguduud, waxa uu ahaa shakhsi aad ugu firfircoon shaqadiisa, xubin muhiim ah oo ka baxday wasaaradda weeyaan, waxa saldhiggiisu ahaa degmada  Caabudwaaq oo familkiisa iyo caruurtiisu ay dagan yihiin, markii noogu dambeysay shaqo ayuu halkaa degmada ugu baxay intii shaqadaa uu ku dhexjiray ayuu lasoo gudboonaaday cudur ka  loo yaqaanno dhiigkarka, Samir iyo Iimaan Alle ha inaga wadasiiyo”.

C/llaahi Colaad Faarax, ayaa sida wasiir ku xigeenku noo xaqiijiyay muddo Labo sanno ah uu hayay xilka Agaasinka Waxbarashada ee Gobolka Galguduud iyadoo saldhiggiisuna uu ahaa magaalada Caabudwaaq oo ay caruurtiisuna daganaayeen.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close