WararkaWaxbarashada

Dowladda Itoobiya Oo Adeegga Internetka u Xayirtay Imtixaanaadka Dugsiyada Sare Ee Dalkeeda

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ka tirsan ayaa sheegeen in waddanka Itoobiya guud ahaan laga joojiay internetka sababo la xiriira imtixaanadka Dugsiyada sare oo socda.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay sheegeen in internetka loo joojiyay cabsi laga qabo in ardayda ay helaan waraaqaha Imtixaanka oo qish ah.

Xayiraadda internetka ayaa waxa uu bilowday maalintii talaadada ahayd ee lasoo dhaafay iyadoo meelo yaryar loo daayey internetka oo ay ka mid yihiin gudaha xarumaha midowga Afirca iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku nool dibadda ayaa sheegeen iney ka xunyihiin iney dowladda ay xayiraad kusoo rogto internetka iyagoo tilmaamay inaaney awoodin iney la xariiraan eheladooda iyo qaraabadooda ku sugan gudaha.

Horay ayay Itoobiya u diidday internetka sanadkii 2016-kii bishii May ka dib markii la arkay waraaqadihii Imtixaanka oo dhex wareegaya internetka, arrintaasi oo keentay in imtixaanka dib loo dhigo.

Afhayeenka xiriirka warbaahinta ee xukuumadda Itoobiya Maxamed Siciid ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay:”Xayiraadan Internetka waa mid looga hortagayo iney ardaydu helaan warqadaha imtixaanka, sidii sanadkii hore dhacday oo kale”.

In ka badan Hal-milyan oo araday ayaa sanadkan waxay u fariisanayaan imtixaan dugsiyada sare kaasi oo socon doono illaa  8, June.

Maandeeq FM

Related Articles

Close