CaafimaadkaUncategorizedWararka

Ku Dhawaad 1.5 million oo Caruur ah oo Waajahaya Xaalad Cunno yari Ba’an Gudaha Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta UNICEF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay nafaqo darro heyso in ka badan 1.4 Milyan oo caruur ah oo u baahan gurmad degdeg ah.

UNICEF ayaa waxa ay leedahay dadka Soomaaliyeed waxaa ka dhamaaday xoolihii ay dhaqan jireen taas oo keentay in ay barakacayaal ku noqdaan dalka qeybo ka mid ah.

Hay’ddan ayaa waxa ay qabtaa in wax laga qaban karo illa 275,000, waayo waxaa intaa raacisay in caruurta la daaweey ay 93% ka bad-baadaan xanuunadda haya. 

Peter Power oo ah agaasimaha hey’adda ayaa booqday qeybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya isaga oo u kuurgalay xaaladda caruurta nafaqo darradu hayso.

“Waxaan la kulannay haweenay beeraalay ahayd oo safar 400 miles ah soo gashay waxay la soo socdaashay illaa 500 neer oo ari ah, laakiin markii ay biyihii Galbeedka Soomaaliya soo gaartay waxaa u soo haray oo kaliya 75 kaliya oo mid kasta oo ka mid ah wuu ka geeriyooday, caruurteedu waxay dareemayeen nafaqo darro xooggan. Waa xaalad Khatar ah runtii”, ayuu yiri Peter Power.

Si kastaba, xaaladda Abaarta mudadii Labadii sanno ee la soo dhaafay ka taagneyd qeybo badan oo ka tirsan dalka ayaa keentay in xoolihii ugu badnaa ay ku dhamaadaan, halka dadkii xoolo dhaqatada ahaa ay dhibaato xoogleh oo xagga nolosha ah waajahayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close