WararkaWaxbarashada

UNESCO oo dalka Australia Ku Boorisay Ilaalinta Xaynaadaabka Dabiiciga ah ee Dunida Ugu Weyn

UNESCO ayaa dalka Australia ku boorisay in dadaallada dheeri ah ay ku bixiyaan ilaalinta xayndaabka sare ee Great Barrier Reef-ka loo yaqaanno, kaas oo ka tirsan goobaha taariikhiga ah ee laga iney wax iska bedelaan.

Qiimeyn qabyo qoraal ah oo ay soo saartay UNESCO isla markaana looga warbixinayay goobaha taariikhiga ah ee dunida ayaa loo diyaariyay shir ka dhacaya Krakow dalka Poland oo bisha July ka furmaya halkaas, kaas oo looga xaajoonayo horumarka gaabiska ah dhinaca ilaalinta nooca biyaha ee dunida ee agagaarka xayndaabka Barrier Reef-ka.

Ururka ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in dalka Australia uu ku fashilmo xaqiijinta himilooyinka sanadkan 2050 ee lagu ilaaalinayo Barrier Reef-ka badeeda ku yaalla.

Warbixinta ayaa waxaa ka mid ahaa ” Xarunta ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo midowga caalamiga ah ee ilaalinta dabiicadda waxay arkaan in xaaladdu u baahan tahay in la dedejayo fulinta tallaabooyinka hiigsiga mudada dhexe iyo mudada dheer ee loo dejiyay 2050, gaar ahaan arrimaha khuseeya noocyada biyaha”.

Qorshaha 2050 ayaa dowladda Australia ay u dejisay ilaalinta Barrier Reef-ka sanadkii 2015 si aan loogu daran liska Qaramada Midoobay ee goobaha taariikhiga ah ee Khatarta ku sugan.

Haddii Qaramada Midoobay ay goobtaa ku dartay meelaha dabar go’a looga baqayo arrintaasi waxay dhibaato ku noqoneysaa dowladda Australia oo dalxiisayaal farabadani ay goobtaa dunida inteeda kale uga yimaaddaan.

Khatarta jeedda Barrier Reef-ka haysta waxaa ka mid ah isbedel laga cabsiqabo inuu ku yimaaddo nooca biyaha gaarka ah ee goobtaasi ay leedahay, sabab la xiriirta beeraha Australia oo si aad ah looga waraabiyo, isbedelka cimilada adduunka oo saameyn ku yeelanaya, ugaarsiga xad dhaafka ah iyo waliba dhismaha ka socda xeebaha ee dhinacyada dalxiiska loogu talogalay.

Barrier Reef(Murjaanka) ayaa waxa uu ku yaallaa meel u dhaw gobolka Queensland ee waqooyiga Australia, waxa uu ku fadhiyaa dhul ku dhawo illaa 2300 Km, waana xayndaabka dabiciiga ah ee dunida ugu weyn, waxaa laga helaa 350 nooc oo ka mid ah xayaan badeedka Reef-ka loo yaqaanno.

FILE PHOTO - Oliver Lanyon, Senior Ranger in the Great Barrier Reef region for the Queenlsand Parks and Wildlife Service, takes photographs and notes during an inspection of the reef's condition in an area called the 'Coral Gardens' located at Lady Elliot Island and 80 kilometers north-east from the town of Bundaberg in Queensland, Australia, June 11, 2015. REUTERS/David Gray/File Photo

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close