WararkaWaxbarashada

Ardaydii Sanadkan Ka Qeybgashay Imtixaanka Dowladda Qaarkood Oo Ka Hadlay Natiijada Ay Ka Filayaan Imtixaanka

Qaar ka tirsan ardayda sanadkan ka qalinjabineysa dugsiyada sare  ee ka qeybgashay imtixaankii mideysnaa ee DFS ayaan wax ka waddiinnay waxyabaha ay ka filayaan imtixaanka.

Ardaydan ayaa rajo fiican ka muujiyay natiijada imtixaankii mideysnaa ee dugsiyada sare kaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa imtixaan sahlan oo ay natiijo fiican ka filayaan.

Cabdiladiif Cabdillaahi oo ka mid ah ardaday sanadkan ka qalinjabineysa dugsida sare ee dalka oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka ka hadlay dareenkiisa ku aaddan imtixaanka iyo sida uu arko natiijada la filayo:

“Soonka kadib ayaan heli doonnaa inshaa-Allaah Natiijada Imtixaanka, imitxaanka dowladda aad ayuu ufududaa, waxaan ka rajeynayaa buundo fiican oo aan ku qanco, dadaal saa’id ah ayaan bixiyay oo habeen iyo maalin ayaan u soo jeeday”.

Xamdi Deeyow oo iyaduna ka mid ah ardayada sanadkan qalinjabineysa ayaa ka hadashay sida ay u kala duwanaayeen imtixaanka daladda iyo imtixaanka wasaaradda oo labadaba ay u fariisatay, waxaana hadalkeedii kamid ahaa:

“Qof kastaa waxbuu ku riyoodaa anna imtixaankii aan galay kaalin fiican inaan ka helo ayaan ka filayaa, inkasta oo uu soo daahay, waxwalba oo soo daaha ayaa kheyrku ku jiraa, imixaanka ay dallada iga qaaday iyo kan dowladdu ay iga qaaday isku mid ayay ahaayeen laakiin kan aan hadda ku tashanayaa waa kan ay dowladda iga qaadday”.

Maslax Maadey Adan ayaa isna dhankiisa ka warramay in ay sugayaan natiijada labo imtixaan oo ay ka qeybaleen:

“Kowdii waxaan galnay midkii ay dallada qaaday, kadibna waxaan galnay midkii ay wasaaraddu qaadday, labadaba wali natiijadoodii lama helin, laakiin midkii iskuulka waxaa igu maqaalo ah in 15 bishan lasoo dhajinayo laakiin kan wasaaradda wax war ah kama haayo, waan sugaynaa labadaba wakhtigii lasoo dhajiyo”.

Ugu dambeyn, ardayda dugsiyada sare ee dalka sanadkan ka qalinjabineysa ayaa lagu qiyaasay iney kor u dhaafayaan illaa 30,000 oo arday, waa marka lagu daro Somaliland iyo Puntland iyadoo aan ognahay in wasaaradda waxbarashada D.F.S iney imtixaankeeda u fariisteen 23,000 oo arday, waana sida ay wasaaraddu sheegtay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close