CaafimaadkaWararka

Shuban Biyoodka oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dillaaco Puntland

Maamulka Puntland ayaa shacabka uga digey in deegaannada maamulkaasi uu ka dilaaco cudurka Shuban Biyoodka, kaasi oo hadda faro kulul ku haya deegaannada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in cudurka shuban biyoodka hadda lagu arkay meello kamid ah Puntland, lagana baqayo inuu sii faafo.

Wuxuu sheegay in cudurkani uu ka yimid dhanka Burco maadaama ay jiraan dad isaga kala goosha Labada dhinac.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadda dhakhaatiirta ay arkeen shuban dhiig la socdo, kaasi oo  tilmaamaya inuu yahay halis oo uu ka daran yahay midka caadiga ah ee fuuq baxa.

“Kiiska cudurka hadda meello aan badneyn ayaa lagu arkay, laakiinse waa halis inteeda la eg, waayo cudurkaan wuxuu ka imaanayaa dhanka Burco, maalin walbo dadbaa halkaasi taga, halkaan yimaada, maqaayadahoodii baa laga cunteenayaa” ayuu yiri wasiir Cismaan.

Inkastoo weli cudurka Shuban biyoodka aanu si aad ah uga faafin deegannada Puntland, ayaa hadana cabsida jirta waxay tahay in cudurka uu deegaannadaasi uu si sahlan ugu faafo, iyadoo dhakhaatiirta ay dadka ugu baaqayaan iney nadaafaddooda ilaashadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close