WararkaWaxbarashada

Sidee Hurdo Xumadu u Keentaa in Maskaxdu Lafteeda Cunto?

Maxaan u seexannaa? Maalin kasta qof kasta oo inaga mid ah  si iskiis ah ayuu u seexdaa, laakiin wali ma is weydiisay sababta hurdada loogu baahan yahay, maxaan u soo jeedi weynnaa xilli kasta?

Cilmi ahaan wali culumadu waxay ku dadaalayaan iney fasiraan sababta dhabta ah ee jirku uu ugu baahan yahay hurdada, ogow sababta loo seexdaa way ka xeeldheer tahay cusbooneysiinta jirka ee tamarta 12 saacadood kasta.

Caqligeennu marka aan seexanno xaaladdiisa wuu bedelaa, waxaanuu bannaanka iskaga saaraa waxyaabaha sunta ah ee maalintii ku soo uruura dareemayaasha jirka.

Cilmibaarayaal ayaa ogaaday in Qofka bani’aadamka ah marka ay hurdo la’aan ku dhacdo maskaxda waxay sameynaysaa iney tirtirto qeybo ka mid ah dareemayaasheeda oo xiriiraddii maskaxda oo is dhexgala. Mushkiladda ugu weyn halkan marka aad hurdadii dib u buuxiso oo aad seexato aaney maskaxda dib u hagaajin karin dhibaatadii ka soo gaartay hurdo la’aanta.

Maskaxdu Iyadaa Is Cunta!

Koox cilmibaarayaal ah oo uu hoggaaminayo Michel Plessy oo ah saynisyahan ka tirsan Jaamcadda Sayniska Marche ee dalka Talyaaniga, ayaa waxa uu baaritaan ku sameeyay xiriirka ka dhexeeya maskaxda naasooleyda iyo caadaadka aan wanaagsaneyn ee dhanka hurdada ah, waxa u soo baxday in jiirka(Jiirka macmalka) hurdada fiican laga ilaaliyay iyo kan hurdo wanaagsan helay in isku ekaasho layaab leh ee ka dhaxeeyo dhinaca shaqda unugyada jirkooda, tusaale ahaan, Unug kasta oo ka mid ah jirka, waxaa ka socdaa shaqo cusbooneysiin ah oo unuguyada dareenka jirka ah iyadoo ay si joogta ah u soo saaraan Labo unug oo kala duwan oo ka mid ah unugyada glial cell-ka loo yaqaanno,

Nooca koowaad waa unugyada microglial cells-ka ah oo mas’uulka ka ah nadiifinta unugyada duqoobay ee maskaxda.

Nooca Labaadna waa ugunyada Astrocytes-ka loo  yaqaanno oo shaqadoodu tahay wanaajinta xiriirka unugyada dareen-sidayaasha ah iyo dib u soo celinta howlaha xiriirrada gaarka ah ee unugyada dareenka jirka.

Inta aan naqaanno  dib u cosbooneysiinta ah ee marka aan seexanno ay sameeyaan unugyada maskaxda waxay maskaxda ka ilaaliyaan in unugyadeedu is cunaan iyo iney saaraan qashinka unugyada duqooba inta lagu gudo jiro maalintii, laakiin markii hurdo la’aantu ay dhacdo maskaxdu si xad ka bax ah ayay u shaqeynsaa oo dhaafsiisan sidii loogu taloglay taas oo ugu dambeyn keenaysa iney iyadu is dhibaateyso.

Tulsaale ahaan, kasoo qaad marka aad gurigaaga si fiican u nadiifinayso oo qashinkana meeshii loogu talo galay aad dhigeyso waxay ka dhigan tahay marka aad si fiican u seexato oo hurdadii loo baahnaa ay maskaxdaadu qaadato, halka hurda la’aantu ay ka dhigan tahay qof aan la aqoon oo gura soo gala oo isagoo nadiifi is leh xaaqa Tv-gii guriga kuu yaallay iyo alaabo kale oo muhiim ah.

Muhiimadda ay Hurdadu u leedahay Maskada

In qeybo ka mid ah jirkeennu ay nastaan kama dhigna inaan shaqo socon, laakiin waxay ka dhigan tahay in shaqo ka duwan shaqadii xilligii soojeedka ay socoto, iyadoo shaqada maskaxda xilliga hurdada ay qabaneysaa ay ka yartahay tan xilliga soo jeedka.

Hurdadu waxaan ka helnaa firfircooni dheeri ah, niyad dhis fiican, waxa ay kaalin fiican ka ciyaartaa waxbarashada, waxay kobcisaa awoodaheenna hal-abuurka, mararka qaar hal-abuurka xilliga hurdada waxa uu noqda mid aan la haleeli karin xilliyada kale.

Ugu dambeyn, farriinta ugu muhiimsan ee warbixintan aan ka helaynno ayaa ah in cilmi ahaan loo ogaaday in marka uu dhafarku bato ay maskaxdu iyadu ay is dhibaateyso oo dhibaatada ay isku geysato mararka qaar aan laga kasban karin.

 Maandeeq FM

Related Articles

Close