arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaalado Kala Duwan oo Ay Ku Sugan Yihiin Bisha Soonka Ardayda Soomaaliyeed ee Wax Ka Barata Waddamada India iyo Bangladesh

Ardayda Soomaaliyeed ee ku kala nool waddamada India iyo Bangladesh ayaa ku nool xaalado aad u kala fog xilliga Soonka, India waxay Soomaan illaa 13 saacadood, halka Bangladesh ay Soomaan 19 saacadood oo xiriir ah.

Dalka India waxaa ku nool oo wax ka barta illaa 5000 oo arday oo badankoodu jooga magaalada Hyderabad oo ay wax ka bartaan 3000 oo arday, iyadoo ay jiraan tuulooyin yaryar arday wax ka baratay ayaa haddana waxaa ugu badan saddexda magaalo ee kala ah, New Delhi, Hyderabad iyo Chennai.

Zakariye Xasan Yuusuf oo dalka India ku dhaqan ayaa Maandeeq FM u sheegay in guud ahaan dalka India laga soomo illaa 13 saacadood oo ay halkaa kala mid yihiin dadka ku dhaqan gudaha Soomaaliya:

“India ardaydu waxay gaarayaan ku dhawaad 5000 oo arday, inkasta oo magaalada aan joogo ay ugu badan yihiin oo ay joogto illaa 3000 Hyderabad, tuulooyin yaryar oo ay ardaydu aadaan way jirtaa, laakiin 3 magaalo ayaa ugu waaweyn, New Delhi, Hyderabad iyo Chennai”.

Dhanka kale, waddanka ay India deriska yihiin ee Bangladesh ayaa waxaa ku nool arday Soomaali ah oo halkaa waxbarasho u joogta, ardaydaa ayaa waxay Soomaan illaa 19 saacadood oo xiriir ah.

Cabdiqaadir Nuur Maxamed oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee dalkaa waxbarashada u joogta ayaa noo sheegay in Soonku uu ku soo hagaagay xilli wanaagsan oo roobab fiican ay ka da’ayaan dalka Bangladesh oo ka mid ah waddamada cimiladoodu ay kulushahay ee dunida.

Cabduqaadir ayaa tilmaamay in ay Soomaan maalintii 19 saacadood oo xiriir ah, taas oo ka dhigan in Bangladesh uu ka mid yahay  waddamada ugu wakhtiga dheer dunida marka laga eego Soonka.

 Maandeeq FM

Related Articles

Close