WararkaWaxbarashada

Puntland: 124 Macallin oo Ka Qeybqaadaneysa Saxidda Imtixaanka Dugsiyada Sare

Mas’uuliyiinta waaxda imtixaanaadka oo gacan ka helaysa barayaal iyo saraakiil loogu talogalay hubinta imtixaanka ayaa bilaabay sixidda imtixaanka dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada Puntland ay qaaday bishii May, 2017.

Waxaa saxidda imtixaanka ka qeyb qaadanaya illaa 93 barayaal ah, kormeerayaal gaaraya 19 iyo macalimiin tiradoodu tahay 12  oo loogu talogalay hubinta howlaha saxidda imtixaanka.

Howladeennadan ayaa saxaya imtixaanka 3,887  arday oo ka mid ah kuwa dugsiyada sare ee deegaannada Puntland sanadkan u fariistay imtixaanka dugsiga sare.

Maxamuud Maxamed Siciid oo ah madaxa xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa u rajeeyay howl wadeennada imtixaanka saxaya iney ku guuleystaan howsha loo igmaday ee hortaalla.

Maandeeq FM

Related Articles

Close