WararkaWaxbarashada

Ra’isul Wasaare Kheyre: Waxaan Dib Usoo Ceshan Doonnaa Waxbarashadeenna

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Axaddii lasoo dhaafay khudbad dheer ka jeediyay garoonka Koonis ayaa sheegay iney la wareegi doonaan guud ahaan waxbarashada dalka.

Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay munaasabaddii lagu weynaynayay waxqabadka 100 maamlmood ee ugu horreeyay ee xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ballanqaaday iney la wareegi doonaan waxbarashada dalka.

“Waxaan ka shaqeyn doonnaa sidii aan dib ugu soo celin laheyn warshadaheenna, waxaan ka shaqeyn doonnaa sidii aan ula wareegi laheyn waxbarashada una sameyn laheyn waxbarasho tayeysan. Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u hagaajin laheyn caafimaadka dadka Soomaaliyeed. Waxaan ka shaqeyn doonnaa in aan ilaashano kheyraadkeenna gaar ahaan badaheenna haddii uu Ilaahey yiraahdo”, ayuu yiri Ra’isul-wasaare Kheyre.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa tobanaankii sanno ee lasoo dhaafay dusha u ritay iney buuxiyaan kaalintii ay banneysay wasaaradda waxbarashada dalka oo in muddo ah aaney ganacta ugu jirin waxbarashadii iyo iskuulaadkii ay maamuli jirtay, iyadoo bixinta kharashaadka ardayda laga qaado waalidiintu culeys farabadan ay kala kulmaan, halka kuwo kalena duruuftu ay ku khasabto iney caruurtooda ka reebaan waxbarashada.

Ugu dambeyn, ballanqaadka Ra’isul-wasaare Kheyre ayaan ah mid yididiilo u noqonaya waalidiin farabadan oo ka walwalsan mustaqbalka caruurtooda, waxaana laga wardhowraa waa kolba sida loo fuliyo oo ay xukuumaddu ugu guntanto arrintaas.

Maandeeq FM

Related Articles

Close