WararkaWaxbarashada

Sababaha Dadka Qaar ay Uga Qosol Badan Yihiin Kuwa Kale oo La Ogaaday

Koox Saynisyahanno ah oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Finlanad ayaa daaha ka ragay sababaha dadka qaar ay uga qosol iyo faraxad badan yihiin kuwo kale oo ay isku duruufta nolosha yihiin, waxaana u caddaatay in hormoonka loo yaqaano endorphins-ka ee maskaxdu soo saarto uu saameynta ku leeyahay arrintaas.

Sida lagu daabacay wargeyska Sciencedaily tijaabadan waxaa ka qeybgalay cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadaha Aalto, Turku, Oxford, waxaana u soo baxday natiijada ah, mar kasta oo uu qofku uu harmoonka opioid’ka ay maskaxdiisa ku badan tahay waxaa kordhaya qosolkiisa, ku darso waxay ogaadeen in qosolka wadareedka ee si wadajir ah loo qoslo uu badiyo hormoonka endorphins-ka kaas oo isna keena in xiriirku uu sii xoogeysto.

Intii tijaabadan lagu gudo jiray qosolk wadareedku waxa uu  kordhiyay dareenka togan ee dadkii ka qeybgalay tijaabada, waana arrin ka dhashay kororka hormoonka endorphins-ka  oo ku kordhaya qeybaha maskaxda ee soosaara hormoonada noocaas oo kale ah, markasta oo uu kordho waxaa la kordhaya dabeecadda qofka ee dhanka qosolka.

Professo Laurie Nominma ayaa carrabka ku adkeeyay in tijaabadan ay sameeyeen ay caddeyn u tahay muhiimadda uu leeyahay qosol wadareedka kaas oo soo saara hormoonka endorphin oo isna dhankiisa kordhiya xiriirka bulshada.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close