arrimaha bulshadaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Saynisyahan: Haddii aad Noolaato 30 sano ee Soo aaddan Waxay u Badan tahay Inaad Noolaato 1000 sano

Waxaa dhici karta in arrinkani uu ku la noqdo wax khilaali ah, laakiin, sida uu sheegayo sanisyahnkan arrintu waa mid dhab ah, haddii aad noolaato 30sano ee soo aaddan, arrintaasi waxay ka dhigan tahay inaad sii jiri doonto 1000 sano oo kale.

Agaasimaha injineriyadda iyo odorska mustaqbalka shirkadda Google Ray Kurzweil ayaa aaminsan in cimri-dherarku yahay arrin jira haddana lagu hawlan yahay, sida saynisyahanno kale ay qabaan, sanado kooban ayaa inaga xiga xilliga cimri dherar la tiigsan doono, kaas oo nolosha waxbadan ka bedelaya.

Kurzweil ayaa waxa uu leeyahay: “Waxaan aad ugu sii dhawaaneynaa xilligii lagaari lahaa in aadanaha cimrigiisa uu kordho, wax aan ka walwalno ma jiraan sida kororka aadnaha, maxaa yeelay hadda wixii ka dameeyay kuma noolaanayno adduun ku tartama kheyraad kooban”.

Sanisyahannada qaar ayaa qaba in cimriga oo la kordhiyaa ay suurtogal tahay, waxaa laga howlgalayaa, ayay leeyihiin, dhanka isbedel lagu sameeyo DNA gaarka ah ee qofka, telomeres-ka dib ayaa loogu celinayo xaaladdii dhalinyaranimada kaas oo ah furaha cimir kororka la filayo.

Waxaa kale oo jiray ayay saynisyahannadu leeyihiin in cunnooyinka munaasabka ah ee la qaato iyo jimcsiga oo si ku habboon loo sameeyaa ay kaalin fiican ka qaataan cimridherarka, sidaas darteed aadanuhu waxay awoodi doonaan iney kordhiyaan  cumirooga marka loo eego kan hadda laga filayo iney gaaraan.

Saynisyahannada ayaa ku howlan waddooyin cusub oo ay suurtogal ah in la jabiyo xeerarka iyo in laga fogaado caqabadaha cimriga aadanaha soo koobaysa. Culumadu waxayse illaa hadda ka jawaabi waayeen su’aal ah, sow ugu dambeyn dhiman meynno, da’deedun inta ay doonto ha gaarte’e?

Horumarka ballaaran ee laga gaarayo tiknoloojiyadda ayaa sabab u ah in saynisyahannadu ay rajo wanaagsan ka fishaan in la helo waddooyin cusub oo markii hore aanuu aadanuhu ku fakari jirin, taas oo ka dhigeysa in cimriga aadnaha la kordhiyaa iney tahay arrin suurtogal ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close