WararkaWaxbarashada

Dhaqangalka Adeegga Internetka ee dotSO oo Si Rasmi ah Uga Bilowday Wasaaradaha DFS

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la bilaabay hirgelita adeegsiga astaanka Internet-ka ee Soomaaliya(dotSO) oo lagu bilaabayo marka hore wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Arrintan ayaa ahayd qorshe xukuumadda ay horey u ansixisay oo la doonayay in muddo 90 cisho ah lagu dhaqangeliyo addeeggan. Bishii May ee aan soo dhaafnay ayaa si rasmi ah uga billowdeen wasaaradaha DFS oo loo sameeyay emaillo leh astaanta dowladda Soomaaliya ee (.gov.so). sida la sheegayo adeeggan ayaa marka uu ka dhaqangalo dowladda dhexe waxaa la gaarsiin doonaa maamulgobaleedyada kadibna guud ahaan shacabka oo dhan, maadaama uu adeeggu yahay mid Soomaaliyeed.

Wasiirka boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeeggan (dotSO) uu yahay aqoonsiga Qaranka ee internet-ka aan ku leenahay uu isticmaalkiisuna uu u wanaagsan yahay guud ahaan dalka:

“Astaanta Qaranka ee internet-ka waa aqoonsiga aan ku leenahay internet-ka. Haddii aan isticmaalno waxaan muuqaal wanaagsan ka bixineynaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee aan matalno iyo guud ahaan dawladdaba. Haddaba waxaan ku wargelineynaa dhammaan hay’adaha dawladda iney soo dalbadaan cinwaanno (domains) iyo email-o shaqo”.

Ugu dambeyn, adeeggan cusub ayaa ah mid muhiim u ah guud ahaan dalka adeegsigiisuna uu u wanaagsan yahay , qof kasta oo aad kula xiriirto dotSo waxa uu isla markiiba fahmi doonaa dalka aad kasoo jeeddo isagoon u baahneyn inaad isku sheegto, waana adeeg dal kasta oo dunid ah ka sameysan dadkiisuna ay haystaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close