CaafimaadkaWararka

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Marka aad bil Soonto oo aad dhameystirto Soonka, waxaa jirkaaga ku imanaya isbedel caafimaad oo aad u wanaagsan kaas oo gaaraya illaa in uu jirka iska nadiifiyo si dhameystiran waxyaabaha suntan ah ee gudihiisa ku sugnaa mudada dheer.

Dr. Majdi Badraan oo ah la taliye dhanka cudurrada ku dhaca habdhiska difaaca jirka ayaa “Alarabiya” u sheegay in Soonka muddo bil ah uu jirka ka nadiifiyo suntan iyo viruska,  waxaanuu ka ilaaliyaa inuu jirka guduhiisa ku sii sugnaadaan unugyada duqoobay gaar ahaan unugyada waayeelka ah ee ka midka ah unugyada Stems-ka oo kaalin muhiim ah ku leh Habdhiska Difaaca Jirka, waxaanuu sheegay in Soonku uu ka qeybqaato dib u cusbooneysiinta unugyada dhiigga cas, arrintaas oo mhiimad ballaaran u leh koritaanka jirka.

Soonku waxa uu dib u cosbooneysiiyaa shaqada Beeryaraha; sidaa darteed muddooyin bilo ah ayuu kaa fogeynayaa inuu kugu dhaco cudurka Sonkorowga, sidaa oo kale Soonku waxa uu jirka ka nadiifiyaa maadaama Nicotine taas oo u sahleysa dadka sigaarka cabbaa iney ka go’aan caadada xun.

Soonku waxa uu fursad fiican u yahay in jirku uu helo fursad uu ku nasto oo waxyaabaha haraadiga ah uu iskaga qashin saaro, waxa uu sahlaa habeynta shaqada Habdhiska Dheefshiidka, waxaanuu dhimaa miisaanka culus ee qofka.

Soonku waxa uu jirka garabsiiyaa inuu iska nadiifiyo unugyada dhintay iyo kuwa xanuunsan, si tartiibtartiib  ah ayuu jirku suntan u saaraa maalmaha soonka illaa jirku uu awood u yeesho inuu dibadda u saaro suntii sanado badan jirkaaga ku raagtay, isbuucyo ka dib jirku waxa uu bilaabayaa inuu nadiifiyo xididada dhiigga ee maskaxda, sunta marka jirka laga nadiifiyo habdhiska Difaaca jirka waxa uu dib u soo ceshanayaa firfircoonidiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close